Sida ay noo sheegeen dad shacab ah oo kusugan xarunta gobolka Shabeele ee Godey waxaa ka socota magaalada Godey falal balaadhan oo lagula wareegayo dhulkii ay lahaayeen dadka shacabka ah ee Godey iyo agagaaraheeda kunool. Qorshahan ooy hormuud kayihiin maamul kusheega ka arimiya degmooyin kamidka ah gobolka shabeele gaar ahaan magaalada Godey ayaa lagu xalaalaystay boosas badan ooy bulshada rayadka ah ee kudhaqan gobolka shabeele leeyihiin.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa lasiiyay mulkiyada dhulkii shacabka rayadka ah sida sharci darrada ah looga qaaday dad lagu sheegay ineey maalgashi kusamaynayaan. Dadkan dhulka shacabka xooga kuqaatay yaa qaar kamid ah noo suuragashay inaan magacyadooda helo. Dadka dhulka looga qaaday dadkii lahaa ayaa  waxaa kamid ah nin layiraahdo Kornayl Alaale oo katirsan Ciidanka Maxaysatada Woyaanaha ee loo yaqaano Hawaarinta|Liyuu Boolis| iyo Hire Xuseen Cabdixoosh ooy walaalo yihiin Gudoomiyaha Gobolka Shabeelee Cabdisonkor Xuseen Cabdixoosh.

Ma aha Markii oogu horeeysay ee dhul bulshada rayadka ay leeyihiin si xaqdarro ah looga faro maroojisto iyadoo xoog loo sheeganayo isla markaana loogu soo gabanayo waxay ku sheegeen Qurxinta Magaalooyinka. Arintan ayay odayaasha magaalada ka digayaan inay horseedi karto inuu dhiig sokeeyo kudaato isla markaana fidno iyo colaad lagaga dhex abuuro shacabka walaalaha ah ee magaalada wada dagan. Siyaabaha dadka xoolahooda lagu dhoco waxaa kaloo ka mid ah in la yidhaahdo dhulka madaama aydaan dhisan karin waxaa la siinayaa maalqabeeno, kuwaasoo ah saraakiisha liyuu booliska (Hawaarinta) ama qaraabadooda ama dad ka yimid Somaliya oo ka mid ahaa Burcad-badeed (pirates) doonaya inay lacagtii maalgalin ku sameeyaan.

Dhanka kale waxaa aad looga dayrinayaa maciishada ay kunool yihiin shacbiga kudhaqan Gobolka shabeele ooy saamaysay cuniqabataytii lagu hayay guud ahaan dalka Ogadenia oo idil. Waxay wararku sheegayaan ineey aad uliidato nolosha dadwaynaha kudhaqan gobolkan taasoo keentay in qiimaha badeecadaha daruuriga ah kor ukeceen.

 

Xasan Jeefad/Ogadenia

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay