Maalin nimadii Axada ee ay taariikhdu kubeegnayd 29/12/13 waxaa xerada Qoxootiga ee Xagardheere lagu qabtay shirkii faracyada ee sadexda xero ee Dhadhaab shirkan oo ah shirkii caadiga ahaa ee ay qabsan jireen xeryaha Dhadhaab iyo Gaarisa ayaa waxaa kasoo qayb galay gudiyada faracyada ka dhisan xeryaha Dhagaxlay, Ifo iyo Xagardheere waxaana doorkan martigalinayay faraca Iftin ee ka howlgala xerada Xagardheere.

Kulanka ayaa furmay abaare 9:00 subaxnimo xiliga bariga africa waxaana sidii caadada ahayd lagu furay aayadaha qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah intaas kadib waxaa lagudo galay ajandayaashii shirka. Gudoomiyihii shirka halgame Cabdulahi jeeri ayaa wufuudii ka codsaday in ay soo bandhigaan qolo kasta ajandaha ay wadato si laysugu raro waxaana lasoo dhigay qodobo farabada oo mudnaa in laga doodo.

Ugu horayn wufuuda waxay iswaydiisay qodobadii hore aa lagu balamay kal-fadhigii hore ee kan kahoreeyay waxaana dood dheer iyo falanqayn badan  kadib laysla qiray in dhamaan lameel mariyay qodobadii lagu balamay farac kastana uu kasoo baxay howshii loodiray. Sidoo kale waxay gudiyadu kadoodeen qodobada cusub oo dhamaantood lajaan qaadayay wacyiga guud ee halganku marayo iyo midka gaar ka ah ee kajira deegaanada Dhadhaab iyo Faafi waxaana la isla qaadaa dhigay danaha guud ee halganka iyo danaha gaarka ah ee dadka qoxootiga ah ee ree ogadenia ee kudhaqan wadanka kenya waxaana si xigmadaysan laysula meeldhigay dhamaan qodobadii laga dooday.

Gudiyada ayaa kahadlay arimo farabadan oo ay kujirto arinta qoxootiga Ogadenia iyo sidii loola fal gali lahaa arimaha cusub ee soo food saaray guud ahaan qoxootiga kudhaqan wadanka Kenya waxayna faracyadu ku dadaalayaan sidii ay udajin lahaayeen dadka ree Ogadenia ee qoxootiga ah oo qaarkood ay ka walwasan yihiin dib ucelinta dadka Soomaaliya kasoo qaxay oo lasheegay in dhulkoodii loocelin doono waxayna gudiyada faracyada iyo gudiga qoxootiga Ogadenia oo wada jira dadka usharxayeen arimaha ugaarka ah dadka Ogadenia iyo sida aan loogu celin doonin cadwgii ay kasoo qaxeen.

Qodobada ay isla meel dhigeen gudiyadu ayaa waxaa kamid ahaa sidii loo fashilin lahaa shirqoolada cadawgu uu soo maleego oo si taxadar ahna loola socda.

Sikastaba ha ahaatee shirarkan joogtada ah ee ay yeeshaan faracyada kahowl gala xeryaha Dhadhaab iyo Gaarisa ayaa waxay kor uqaadaan wada shaqaynta faracyada iyo guud ahaa arimaha halganka ee Gobolka woqooyi bari Kenya waxaana lagu balamay sidii loosii dardar galin lahaa wada shaqaynta iyo kor uqaadida howlaha halganka ee kahana qaaday guud ahaan dunida aan ku noolahay.

Ugu dambantii, shirkan oo socday mudo saacado badan ah ayaa soo afmeermay abaare 4:00 galabnimo wuxuuna kusoo dhamaaday guul iyo jawi farxadeed.

Guuleed Gundiid
ONA/Dhadhaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay