Wadanka Ethiopia waa dal balaadhan ayna ku noolyahiin dad ka badan 80 milyan. waxaa uu ka koobmaa 9 dawlad goboleed iyo laba ismaamul magaalo. Waxaa lagu sheegaa in dalkan uu federal yahay, loona qaybsado si siman oo ku salaysan tirakoobka dalka saamiga awooda & dawladnimo. 9 dawlad goboleed ee uu ka kooban yahay dalkan waa sidan;

1. Tigree

2. Canfar

3. Amxaaro

4.Oromo

5.Soomaali

6.Benishangul gumuz

7. Gambella

8.Shucuubta koonfureed

9.Harari

Diridhaba iyo Addis Ababa oo ah laba ismaamul magaalo ah. Waxaa wadankan haysta hadda xukunkiisa xisbiga loo yaqaano EPRDF ( Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front) የኢትዮጵያ ሕዝቦች አብዮታዊ ዲሞክራሲያዊ ግንባር. Xisbigan oo ah midka kaliya ee sharciga dawladu ogolyahay ee ka jira wadanka Ethiopia, marka laga tago xisbiyada dikoor ahaanta uga jira Adisababa, ayaa waxaa ku midaysan 4 xisbi oo kala ah; Tigrayan People’s Liberation Front(TPLF), Oromo People’s Democratic Organization(OPDO), Amhara National Democratic Movement (ANDM) iyo South Ethiopian People’s Democratic front (SEPDF).

Sida magacyada aad ka dheehan karto waxay maamulaan 4-tan xisbi Afarta dawlad goboleed ee Tigree, Oromo, Amxaara iyo Dawlad goboleedka Shucuubta Koonfurteed. 4-tan Xisbi ee maamula 4 Dawlad Goboleed waxay noqdaan 89% Dawladda Dhexe, meesha  5ta Dawlad-goboleed ee kale & 2 ismaamul magaalo oo 0.5-ka ah ( 5-ta dawlad goboleed ee Hararida, Gambella, Canfar, Soomaali iyo Binishaangul Gumuz) oo aan xubin ka ahayn xisbigan talayada dalka haya EPRDF,  jagooyinka ay dawlada ka helaan oo ah mid nidaam qoondo ah ayaa noqonaya 8%. Dimoqraadiyadda iyo cadaaladda ka jirta Itobiya waa midaa.

EPRDF:-

Xisbigan oo ka talinaayay laga soo bilaabo 1991 Itobiya oo uuna ka jirin hal xisbi oo mucaarad ah oo la tartama ama laga ogolyahay inuu ka dhaq-dhaqaaqo wadanka, waxaa ku bahoobay sidaan horey u soo sheegnay 4 xisbi oo ka kala socda qawmiyadaha kala ah Oromo, Amxaaro, Tigree iyo shucuubta koonfureed. ilaa maantana waxaa ka maqan 5 dawlad goboleed ee kale iyo labada ismaamul magaalo xubinimada xisbigan. Su’aasha soo baxday ayaa ah hal xisbi dalka mudada intaas dhan ha haystee miyayna ahayn dalka oo dhan inuu matalo xisbigu? Tusaale ahaan qofka ka socda 5ta qawmiyadood ee kale haduu damco inuu ka mid noqdo EPRDF halkuu ka soo galayaa? Ileen 4ar xisbi oo kala matalaya qawmiyadahooda ayaa ku bahoobaye? Adiga ayaa lagaa sugi jawaabta.

Aan qooraansano qaabka Baarlamaanka Itobiya lagu soo xulo iyo sida loo qaybsado. Sida Dastuurka Itobiya ku cad iyo qawaaniinta kale ee awood qaybsiga waa in lagu saleeyo tiro koobka gobolada, Laakiin waxaa meesha ka baxay 5 dawlad goboleed oo aan tiro koob, tayo koob iyo qaab siyaadeed oo kale midna uga muuqan karin saaxada. Waxaa intaa dheer 4-tan ku midaysan xisbiga talada sheegta inuu hayo waxaa sii sad bursaday oo talada dalka si guud u haysta, oo wadanka awoodiisa iyo madaxdiisuba ay isugu urureen qoomiyada Tigree oo ah qoomiyada afraad xagga tirada dalka sida ay ku cadeeyeen tirakoobkii ugu danbeeyay ee Itobiya samayso.

Xubnaha baarlamaanka ee dawlad goboleedyada u matalaya baarlamaanka dalka afartan xisbi ee ku bahoobay EPRDF waxaa lagu soo xulaa, xisbiga ayaa usoo magacaaba xubnaha isu soo taagaya, meesha dawlad goboleedyada ka maqan xisbiga la siiyo sad, lana dhaho hal halka xisbi ee ka jira ha laga soo magacaabo. Sidoo kale EPRDF waxay helaan inta badan goleyaasha baarlamaanka iyo wasiirada ay soo hambeeyaan TPLF-ta. Dhanka kale sida aan sare ku xusay dawlad goboleedyada Soomaalida, Canfarta , Gambella, Hararida iyo Binshaangul gumuz ka ayaa waxaa ka jira midkasta hal xisbi oo aan ka tirsanayn EPRDF laakiin lagu sheego in ay xulufo layihiin. Xisbiyada waxaa sameeyay EPRDF waxaana la siiyaa saamiyo loo qoondeeyay hadii ay noqoto golayaasha baarlamaanka, wasiirada iyo waxii kale ee awood ah. waxayna inta badan ka muuqdaan sawiirada aan awooda buuran lahayn, iyadoo xubnaha baarlamaanka ee ugu jira dawlada goboleedyadan goleyaasha baarlamaanka ay ka yihiin Sacbiyaal, maadaama markii horeba lagu keenay qaab qoondo ah, sidaas darteed ayna wax qodob doodeed ah keen karin, kuwa ka dhasha baarlamaanka dhexdiisa ee ay keenaan xubnaha EPRDF-na ayna diidi karin wax dood ahna ayna ku yeelanin, kaliya ay u sacbiyaan dhanka go’aanku u dhaco. Sidoo kale xubnaha wariisarada ee shantan dawlad goboleed ayaa codkooda ku biiriya dhinaca kolba ay kooxada awooda badan marto.

Cidna isma waydiiso amuuratan oo waxay la mid tahay 4.5 ka maanta Soomaaliya ka jira ee ay Itobiya kaga dayan hayaan.

Afartan dawlad goboleed ee ku bahoobay xisbiga EPRDF:- iyadoo Itobiya ay tahay wadan sabool ah oo aan lahayn dhaqaale ku filan hadana afartan gobol magaalooyin-kooda waxay leeyahiin adeegyada bulsho, hadii ay noqoto xaga waxbarashada, Biyaha, xaga jidadka, caafimaadka, iyo bilicda magaalooyinka, inkastoo ay ka jiraan mucaarad adag oo isugu jira mid hubaysan iyo mid siyaasadeed oo kaga kacsan Itobiya goboladan.

5-ta dawlad goboleed ee aan ka midka ahayn xisbiga EPRDF marka laga reebo Hararida oo dhexda ka baxday, 4ta kale Itobiya-nimada looma ogolo iyaguna jacba kuma ah, oo waxay u haystaan in xoog iyo dhulballaadhsi uun lagu haysto ee ayna Itobiyaan ahayn. 5-taa maamul malaha madax si sharci ah lagu soo doortay oo xuquuqdooda horumarineed u dooda ama awood dawlad goboleed usoo furta, waxaana la siiyaa waxii kasoo hadha afartaas ku bahoobay dawlada, oo iyaga laftoodu u kala sad-budhsada.

Dadka caalamka ugu danbeeya xaga xadaarada ee wali iskaga jira hab nololeedkii aduunku kasoo bilaabmay waxay ku noolyahiin afartan gobol ee kala ah Gambella, Canfar, Soomaali iyo Binishaangul Gumuz. Waa dad ay ka dhacday cadceeda horumarka iyo hiigsiga himilooyinka ku salaysan ee aduunka, waa shucuub intooda badan ay nolol xumada u weheliso cadaadis iyo curyaamin dawladu ku hayso lagana dhawrayo horusocodka.

Soomaalida ku hoos jirta xukunka Itobiya. Inkasta oo ay Soomaalidu qabto in ay ka badan tahay tirada lagu sheego haddana waa qoomiyada 3-aad ee ugu tirada badan Itobiya (waxaa ka badan Oromo iyo Axmaarada), sida ku xusan tiro koobka Itobiya, waana qoomiyada dhul ahaan labaad. Waxaa lagu sheegaa in uu yahahay dhulkani midka ugu khayraadka badan, sidoo kale leh dhulbeereed aad u balaadhan oo ay maraan wabiyaal. Waxaa inta badan hoos ceegaaga shidaal kala jaad ah oo aad u badan iyo biyo isugu jira macaan iyo khadhaadh oo lagu waraabsan karo beeraha. Waxaa ku dhaqma lafdhabarna u ah nolosha bulshada xoolaha nool. Geesta kale waxaa ku nool duur joog aan tiro lahayn. Sida ay sheegaan cilmi baadhayaasha korka kala socda waxaa ku nool dhulkan duur joog tiro badan oo aan caalamka intiisa kale ku noolayn, waxaa sidoo kale laga helaa Dhir inta jinsi ee ay u qaybsanto iyo faa’iidooyinkeeda aan cidi si dhab ah uga warhayn. Waa dhul sidii Allaah ku abuuray wali iska ah marka laga reebo xaalufin nolosha qalafsan ee ka jirta sabab u tahay.

Soomaalida Maanta ku hoos Jirta Xukunka Itobiya iyo Luunta ay kaga jiraan Qaab dhismeedka Itobiya. Sidaan sare ku xusay soomaalidu waa dadyawga meelkasta laga cadaadiyay, Waxayna ku jiraan dawlad goboleedyada 0.5 ka ee aan xubin ka ahayn xisbiga dalka hogaamiya, Waxaana la siiyaa xubno loo cayimay oo baarlamaan ah iyo wasiiro, sidoo kale marka la jaangoyn dhaqaalaha wadanka inkastoo Itobiya ay dhahdo waxaan siinaa goboladan dhaqaale la mida kan la siiyo dawlad goboleedyada ku midaysan EPRDF haddana  waxaa  xaqiiqo ah markii aad si hoose ula socoto in loo qaybiyo 4.5 miisaaniyada dalka. Hormarinta caalamiga ah waxaa kaga hagaaga waxoogaayo Qamandin ah oo inta badan lagu masruufo Maleeshiyaadka ciidanka Itobiya garabka siiya. Waxayna sadkoodka soomaalidu ka qaataan 0.5 qolyahaan ku jira. Guud ahaanba waxyaabaha aas aaska u ah noloshada waa kuwo cidhiidhi ah.

Jig jiga & Maamulka Jooga.

kooxdani maadaama ayna ku jirin xisbiga dalka haysta, sidoo kale ayna joogin meesha lagu jaan goyn qorsheyaasha iyo miisaaniyada dalka, ayayna lahayn awood maangal ah waxay ku koobantahay hawshoodu magaalada Jigjiga. Hadii xitaa waxuun dawladu u qorshayn waxay warbixinta ka qaadataa Ciidanka Itobiya ee Bariga Hararge. Maamulkan oo aan lahayn siyaasad jaho leh, ayaa hawshiisu waxay ku urursantahay arimaha nabadgaliyada,waxaana la odhan karaa waa ciidan aan tababar military lahayn. Hawsha ugu badan ee ay qabtaan waa maxaa la xidhay iyo maxaa la dilay.

Qurba joogta & JIgjiga.

Maamulkan maqaarsaarka ah oo ku caan baxeen musuq la dagay oo maaro loo waayay, Xitaa shacabkii ayaa musuqa u qaatay wax sharci ah waxayna shaqsigii ku biira kula taliyaan ” War waa lagu xidhi ama waa lagu dili ama waa lagu eryi ee meesha wax ka qabso”. Maamulkan Jigjiga jooga ayaa waxay samaysteen Laan ka tirsan Tv-ga Itobiya. Intii muddo ahayd waxaa aan Tv-gan & warbaahinta gacansaarka la leh ka dheehan haynay qofkasta oo ka taga wadamada soomaalidu ku baahday ee caalamka ee Jigjiga gaadha in lagu sheego masuul sare oo ka tirsan ONLF oo qurbaha ka yimid, waxaan is waydiiyay war ONLF-tu masuul badanaa umada oodhan ma ONLF baa? hadii intan oo masuul oo ka tirsan ay qurbaha ka timid, intii ay xukumeena ay wali ku laalantahay. Barnaamijkan ayaa loo aas aasay qaab hantida yar ee miisaaniyada ah lagu lunsado. Waxaa caddany kuugu filan wiil dhalinyaro ah oo hooyadii inuu fasaxa booqdo uga soo tagay qurbaha oo waxaad arkaysay ninka ugu sareeya iyo ka ugu hooseeya lagu sugayo garoonka laguna soo dhawayn hoteel dhawr habeen intii kobtaas lagu hayo lagaga duubi cajal qof caafimaad qabaa uuna daawan karin. Barnaamijkan ayaa soo gaba gaboobay markii hanti badan lagu lunsaday.

Maalinta Qoomiyadaha.

Markii Barnaamijkii Qurbajoogta oo ku ekaa bishii 6 aad ee sanadkan oo lasoo afmeeray, ayay maamulka maqaarsaarka ah waxay markiiba aadeen magaalada Addis ababa. Socdaalkan oo ay ku codsan hayeen in ay qabtaan xuska maalinta qoomiyahadaha ee aan laga jeclayn wadanka Itobiya guud ahaantiisa. Kooxdan oo ah shaqsiyaad ku xididaystay u surin bixinta musuqmaasuq iyo wax isdaba marinta ayaa markiiba waxay xal u arkeen in ay fusad kale tahay qabashada maalinta qoomiyadaha Itobiya mar haddii uu gabaabsi noqday barnaamijkii qurba joogta. Waxaa magaalada Jigjiga la isugu keenay kooxo maamulada kala duwan ee dawlad goboleedyadu u soo direen maalintan aan la jeclayn. Maba xumo oo Jigjiga ha isku arkeen dadyawga qaarkood qaawan yahiin, kuwana cawska xidhaan, kuwona aradyahiin, kuwana harkaha xidhaan, meesha kuwana waxuun uga bilaaban yahay xadaarada caalamka ee halka xukun kuwada hoos jiraaye, ee maxay xujo ah oo ay ugu soo xoomeen ragii Soomaali inay madax u yahiin sheegan hayay ee aan iyagu marna inay is arkaan aan rabin?

Qore/Xarbi Aadan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay