Wadanka Ethiopia waa dal balaadhan ayna ku noolyahiin dad ka badan 80 milyan. waxaa uu ka koobmaa 9 dawlad goboleed iyo laba ismaamul magaalo. Waxaa lagu sheegaa in dalkan uu federal yahay, loona qaybsado si siman oo ku salaysan tirakoobka dalka saamiga awooda & dawladnimo. 9 dawlad goboleed ee uu ka kooban yahay dalkan waa sidan;

1. Tigree

2. Canfar

3. Amxaaro

4.Oromo

5.Soomaali

6.Benishangul gumuz

7. Gambella

8.Shucuubta koonfureed

9.Harari

Diridhaba iyo Addis Ababa oo ah laba ismaamul magaalo ah. Waxaa wadankan haysta hadda xukunkiisa xisbiga loo yaqaano EPRDF ( Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front) የኢትዮጵያ ሕዝቦች አብዮታዊ ዲሞክራሲያዊ ግንባር. Xisbigan oo ah midka kaliya ee sharciga dawladu ogolyahay ee ka jira wadanka Ethiopia, marka laga tago xisbiyada dikoor ahaanta uga jira Adisababa, ayaa waxaa ku midaysan 4 xisbi oo kala ah; Tigrayan People’s Liberation Front(TPLF), Oromo People’s Democratic Organization(OPDO), Amhara National Democratic Movement (ANDM) iyo South Ethiopian People’s Democratic front (SEPDF).

Sida magacyada aad ka dheehan karto waxay maamulaan 4-tan xisbi Afarta dawlad goboleed ee Tigree, Oromo, Amxaara iyo Dawlad goboleedka Shucuubta Koonfurteed. 4-tan Xisbi ee maamula 4 Dawlad Goboleed waxay noqdaan 89% Dawladda Dhexe, meesha  5ta Dawlad-goboleed ee kale & 2 ismaamul magaalo oo 0.5-ka ah ( 5-ta dawlad goboleed ee Hararida, Gambella, Canfar, Soomaali iyo Binishaangul Gumuz) oo aan xubin ka ahayn xisbigan talayada dalka haya EPRDF, jagooyinka ay dawlada ka helaan oo ah mid nidaam qoondo ah ayaa noqonaya 8%. Dimoqraadiyadda iyo cadaaladda ka jirta Itobiya waa midaa.

EPRDF:-

Xisbigan oo ka talinaayay laga soo bilaabo 1991 Itobiya oo uuna ka jirin hal xisbi oo mucaarad ah oo la tartama ama laga ogolyahay inuu ka dhaq-dhaqaaqo wadanka, waxaa ku bahoobay sidaan horey u soo sheegnay 4 xisbi oo ka kala socda qawmiyadaha kala ah Oromo, Amxaaro, Tigree iyo shucuubta koonfureed. ilaa maantana waxaa ka maqan 5 dawlad goboleed ee kale iyo labada ismaamul magaalo xubinimada xisbigan. Su’aasha soo baxday ayaa ah hal xisbi dalka mudada intaas dhan ha haystee miyayna ahayn dalka oo dhan inuu matalo xisbigu? Tusaale ahaan qofka ka socda 5ta qawmiyadood ee kale haduu damco inuu ka mid noqdo EPRDF halkuu ka ..

Halkan Kasii Akhri:

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay