Wararka aan ka helayno gudaha wadanka Ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo aad utirabadan oo lagu naafeeyay ciidamada gumaysiga Itooiya dagaaladan oo kamid ah kuwa lagu xoraynayo ciida Ogadenia ayaa meela kala duwan oo dalka ka socda iyadoo cadawga khasaare badan lagu gaadhsiiyo oo naf iyo qalab ciidanba leh. Dagaalada aan helnay warbixinadooda ayaa lagaga dilay cadawga inta la hubsaday 42 askari oo daroojin kala duwan lahaa iyadoo dhaawac badanna uu gaadhay. dagaaladaa ayaa u dhacay sidan;

7/12/13 Dagmada Gunagado oo Gobolka Jarar katirsan weerar mir ah oo ay CWXO kuqaadeen kuwa gumaysiga oo halkaas kusugnaa waxaana lagaga dilay 11 askari oo ay saraakiil kujiraan sidoo kale waxaa goobta ku bakhtiyay nin injineer ah oo Itoobiyaan ah.

7/12/13 Baka oo Dhagaxbuur katirsan iyo Dhabarduleel oo Awaare katirsan dagaalo kakala dhacay waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay inta lahubo 2 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

12/12/13 Dulgaaban iyo Bacaadka oo Garbo kawada tirsan waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

13/12/13 Duudaboore oo Garbo katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

14/12/13 Kabogo oo Gunagado katirsan waxaa ciidamada wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

22/12/13 Iskudhoonlay oo Qoraxay katirsan iyo Bukudhaba oo Awaare katirsan  dagaalo kakala dhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay inta la ogyahay 3 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

24/12/13 Xaaxi oo Awaare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

25/12/13 Abayraale oo Awaare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 1 askari tiro kalana waa lagaga dhaawacay.

26/12/13 Haaraanti oo Dagmada Xamaro katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 7 askari 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

26/12/13 Dardheer oo Dhanaan katirsan dagaal 2 jeer kadhacay  waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 3 askari 2 kalana waa laga dhaawacay.

26/12/13 Wijiwaaji oo Qabridahare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

27/12/13 Boodhcaano oo Goday katirsan weerar xoogan oo ay CWXO kuqaadeen kuwa gumaysiga oo halkaas kusugnaa waxaana lagaga dilay 12 askari 16 kalana waa laga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay