Waxaa xalay ooy taariikhdu ahayd 5/1/2014  lagu qabtay caasimada wadanka Denmark ee Copenhagen xaflad balaadhan oo siwanaagsan ay usoo abaabuleen ugana qayb qaateen ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya ee OYSU, xafladan ayaa ciiwaan looga dhigay Cun oo Caawi, taasoo micneheedu yahay cun kadibna kucaawi waxaad awoodid shacabka tabaalaysan ee Somalida Ogadenya.

Munaasabadan oo ujeedada oogu wayn ee looqabtay ay ahayd in lagu caawiyo bulshada tabaalaysan ee ku waxyeeloobay dhibaatooyinka ba,an ee uu ugaystay gumaysiga Itoobiya ee kuraagay wadanka Ogadenya ayaa kamidah munaasabadaha joogtada ah ee guud ahaan ay jaaliyadaha Somalida Ogadenya ay kawadaan daafaha aduunka gaar ahaan Jaaliyada Denmark iyo ururka OYSU oo iskaashanaya.

Waxaa kasoo qayb galay munaasabadan dad wayne kamidah qaybaha kala duwan ee bulshada Somali-Wayn iyo Somalida- Ogadenya ee kudhaqan wadankan Denmark caasimadiisa Copenhagen. Shacabkii munaasabadan kasooqaybgalay ayaa waxaa hormuud u,ahaa siwayna uga dhex muuqday maamulka iyo xubnaha Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee wadankan Denmark, kuwaasoo caan ku,ah inaysan marnaba kadaalin kaqayb qaadashada xafladaha iyo dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Xafladan oo ahayd mid si wanaagsan udhacday ayaa waxay dadkii goobta isugu yimid si farxad iyo wadaniyad leh ooga wada qayqaateen in munaasabadan qabsoonto, waxayna isku afgarteen kaqayb galayaashii xaflada in laxoojiyo lana joogteeyo sidii loocaawin lahaa dhibaneyaasha uu gumaysigu ugaystay dhibaatooyinka kadhanka ah xuquuqda banii,aadamka ee kasocda Ogadenya.

 

 

ONA / Denmark

 

 

 
 

1 Comment

  1. Hassan says:

    miyaa loogu “magac daray” mise waa loo bixiyay?

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay