Waxaa calan-saarkii gudida Qaxootiga Ogaadeniya lagu qabtay Hotel-ka weyn ee loo yaqaan “Bostaan Hotel” halkaasoo ay ka soo qayb galeen boqolaal dad ah is la markaasna ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka kala socday Dawlada Yemen, UNHCR, WFP, ADRA, IRD iyo safaaradaha dalalka shisheeye u jooga Yemen oo ay ka mid ahaayeen xubno ka socday safaarada Gumaysiga Itoobiya ee Dalka Yemen. Waxa hadalo ka jeediyay masuuliin ka kala soday hay’adahaa iyadoo shahaado sharaf la gudoonsiiyay gudiigii ka socday Ogaadeeniya oo si aad u weyn loogu amaanay sida quruxda badan ee ay u maareeyeen wakhtigii ay doorashadu socotay.

Waxay marti sharafta aad u danaynayeen gabayada iyo heesaha dhaantada iyadoo loo fasirayay martida heesaha ay ku dhaantaynayeen koox-da Ogaadeeniya ee dhaantada tumaysay.

Halkan ka daawo qayb ka mid ah dhaantada sida aadka ah loo xiisaynayay oo sawaxan iyo sacab badan lagu soo dhaweeyay.

 

ONA.

 
 

1 Comment

  1. manshaa allah som ogadenia yeman waa ay dadaalayaa alle ha garab qabto in shaa allah way gulaysan donaan dhawaanta ameen

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay