Gumaysiga Dhaqaalaha, Dhaqanka, Damiirka, – Latin America, Africa, Ethiopia Vs Ogadania 

The United Nations General Assembly adopted the resolution — formally called the Convention for the Prevention and Punishment of the Crime of Genocide — in 1948, and the law entered into force in 1951.

Gollaha loo wadda dhanyahay ee amaanka waxay  sirasmi ah u ansixiyeen Heshiiska ka Hortagga iyo Ciqaabta ee Danbiyada  Genocide- 1948, sharciga wuxuu  dhaqangalay sannadkii 1951. Sharcigaasi waxaa saxiixay dowladaha caalamka balse sharcigii wuxuu noqday File  madasha gollaha UN  soodhaafin.  Gumaysiga Dhaqaalaha , Dhaqanka , Damiirka , waxeynu ku daahfurnay Aljeeriya  iyo Fanon.   Markaad siqotodheer u baadi goobtid sooyaal taarikheedka dunidda , waxaa kuusoo baxaya wax badan oo maanta nagga qarsoon, laakin waayaha ka barandoono dunidda.  Hadii  la samro. ( Wax jirra,  ma sii joogaan ).

Waxaa halkeedii kasii socday gumaadka shacabka iyo barakicinta lugu kala awood badan yahay. Dalalka Latin America waxaa kadhacay xasuuq lamid ah xasuuqa maalinwalba lugu hayo shacabka somalida Ogadenia, waxaana faraha kulajiray dowladda Maraykanka iyo shirkadaha huriya colaada, isla markaana kataajira (kaganacsada) goobaha dagaaladda. waxaana loo adeegsaday awoodd dhaqaale iyo mid Militari.

For Latin American leaders, this year’s UN general debate became a forum for widespread dissent and anger at U.S. policies that seek to control a hemisphere. Madaxda  dalalka Latin America  waxay soo xaadireen,  shir sanadeedkii gollaha amaanka ee UN. Waxayna layimaadaan go,aan ay kumideysan yihiin, isla markaana kudiidan yihiin siyaasadda Maraykanka .

Guatemala waxaa soo gumaystay Spain, waa wadan kuyaalla Bartamaha Laatin America. Wuxuu ood wadaag layahay Mexico woqooyiga iyo galbeedka, Badweynta Pacific ee koonfur , Belize, Caribbean, Honduras  iyo El Salvador. Caasimaddu waa Guatemala de la Caracas , sidoo kale loo yaqaan Guatemala City.  Taladda maamulka waxaa gacanta ku hayay xadaarad siwayn loogga qadariyo deegaanadda jaarka yihiin Guatemala. Waxay kaloo saameyn kulahaayeen nolosha shacabka iyo xalinta colaadaha ku yimaadda gobolka. Qarnigii 19aad ilaa qarnigii 20aad maamulkii Spanish wuxuu sameeyay dowlad sal balaadhan, isla markaana lagusheegay– Jamhuuriyada Federal ee Centrel America. Wuxuuna ku mideeyay shacuubtii markaasi kuwadda noolaa gobolka, maadaama wax badan wadaageen ama ka sinaayeen.

1519–1524– Gumaysigii Spanish waxaa kahoryimid oo ku gacan saydhay maamulkii markaasi deegaanka kajiray ee suldanadii Maya ee kufaaftay gobolka oo idil. Maadaama dadku reer guuraa ahaa xiligaasi, tacabka beeraha iyo dhaqashada xoolaha waxay uleeyihin ( Hido). dhulku waa hodan, wuxuuna leeyahay buuro, togog, wabiyo marna biyo hooseeyaan marna fatahaan.  Dalagga beeraha in lafasho waa  sumcad iyo sharaf wayna ku faanaan xadaaradda ( MAYA) Waxay kufaanaan inay dhaqan uleeyihin fardaha, kuna soo dagaalimi jireen qarniyo fog. Guryo lagga sameeyay carro iyo geedo, ugaar ah suldanada Maya.  waxaad ku arki dhamaan gobolka oo idil. Lagga soo bilaabo – Mexico, Hundreds, Salvador , 

Guatemala, jasiiradaha Central Caribbean , waxay ku fiday ilbaxnimadda iyo farshaxanka dhaqanka uleeyihin.  Markay noqoto dhanka dagaalka  , kuma dag dagaan. Waxayna aaminsan yihiin dhaqanka suuban ee saldanada inuu fure uyahay midnimada shacabka. Waanna sababta keentay awoodda heerkaasi gaadhay.

September 25– 1524– gumaysigii Spanish waxay direen sahan ciidan iyo jaajuusiin si hoose udhexgala shacabka gobolka   soonna  tabiya wararka gudaha, iyo qorshaha xadaaradda Maya . Mid kamid ah raggii sahanka loodiray, wuxuu sootabiyay warbixino farxad galisa gumeysigii Spanish. Wuxuuna soo sheegay inay jirto biyo la,aan baahsan, shacabkuna la ildaran yahay daruuf qalafsan.  Xeebaha gobolka waxaa daadsan ciidan dusha kala socda dhaq dhaqaaqa suldanada MAYA. Xiligaasi waxaa dunidda isgaarsiin u ahaa bani, aadamka . waxaa loo adegsanjiray inay noqdaan war lalis ukala war qaadda gumeysiga iyo la gumeystaha, waxaana la, shaqaaleyn jiray ninba , ninkuu ka socod badanyahay, ama katalaabo roonyahay. Waxaa kaloo la, adeegsan jiray fardaha orodka badan. Inkastoo deegaanku colaadi kajirtay, hadana suurta gal ma noqon karrin adeegsigga fardaha inn loo adeegsaddo – Isgaarsiin.

Markuu Fanon yimid dalka Aljeeriya waxay goobta shaqadda ee Hospital isku barteen Dhakhtar reer Aljeeriya  ah oo markaasi ladhacsanaa gumaysiga Faransiiska (France). markay muddo wada shaqeynayeen, sifiicana isku barteen. Fanon wuxuu dhambaal udiray asxaabtii ay wadda noolaan jireen, isagoo lafajacsan Dhakhtar reer Aljeeriya xiligan kujirra ruwaayadda gumaysiga.  wuxuuna yiri sidan: * Markaad qiimeyso dadka dunidda kuwadda nool qaar ka mid ah, waxay kunoolyihiin duni la yiraahdo dunida afkaarta, dunidaa waxaad kahelaysaa caqiido, waxaad ka helaysaa akhlaaq iyo qiyam, waxaad ka helaysaa arragtiyo, waxaad ka helaysaa dood cilmiyeed, waxaad ka helaysaa  falsafad, waxaad ka helaysaa cilmiga dhaqaalaha, midka teknoolajiyadda, midka siyaasadda, midka taariikhda iyo xadaaradaha ummadaha,  iwm. Dadka dunidaa kunooli waxay kawada sheekaystaan, isna dhaafsadaan fikrado iyo afkaar sarsare. Laakin marnaba kuma fikireynin Dhakhtar reer Aljeeriya udhashay, ayaa siddan ufikiraya*.

Halganka Soomaalida Ogadenia wuxuu marayaa marxalad adag oo ubaahan samir iyo dulqaad saldhigna loogga dhigayo duruufaha soo jireenka ah ee ragaadiyay halgamadii dunidda soo maray.

Lasoco Qormooyinka xigi doona Inshaa Allah.

 

Q/ Mujahid Sheekh Ibraahim

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay