Wararka naga soo gaadhaya Xarunta Dhexe ee JWXO waxay sheegayaan dagaalo dhowr ah oo ciidamada cadawga lagu naafeeyay dagaaladan oo meela kala duwan oo dalka ah ka socda ayaa loogu talagalay in ciida Ogadenia ee daahirka ah lagaga xoreeyo gumaysiga. Dagaaladan aan helnay warbixintooda oo socday sideed maalmood ayaa cadawga lagaga dilay ugu yaraan 25 askari oo darajooyin kala dawn lahaa meesha dhaawacuna uu intaa ka badan yahay. Waxaa kaloo lagaga gubal hal baabuur oo ciidankii saarnaa ay noqdeen qaar bakhtiyay iyo qaar dhaawac halis ah uu soo gaadhay. Faahfaahinta dagaaladaa ayaa u dhacay sidan;

28/12/13 Gudhis oo dagmada Dhuxun katirsan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya kudhaxmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

28/12/13 Golxul oo Dhuxun katirsan kamiin ay CWXO kaxidheen waxaa soogalay ciidan uu gumaysigu leeyahay waxaana halkaa lagaga dilay 10 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

5/1/14 Higlaalebiir oo Dhanaan katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 2 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

7/1/14 Miirdanbas oo Wardheer katirsan weerar xoogan oo ay CWXO kuqaadeen kolonyo baabuur ah oo halkaas maraysay waxaa ciidamka cadawga lagaga gubay 1 baabuur oo ay isla dhalaaleen isaga iyo wixii saaraaba sidoo kale waxay wax yeelo xoogan ugaysteen baabuur kale oo kolonyada kamid ahaa.

8/1/14 Qolqoldheer oo Shaygoosh katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 1 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

8/1/14 Dhagxbuur wuxuu dagaal kudhaxmaray labo ciidan oo kuwa cadawga ah waxayna iska dileen 1 askari oo waxay shaaliqe ha ugu yeedhaan ah

9/1/14 Qoonbilcile oo Iimaybari katirsan dagaal kudhaxmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/1/14 Lehelow oo dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo katirsan waxuu dagaal kudhaxmaray labo ciidan oo uu gumaysigu leeyahay waxayna iska dileen 4 askari.

11/1/14 Xadhadhamo oo Qabridahare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 1 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

11/1/14 Yucub oo Dagmada Wardheer katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

13/1/14 Shabeelay oo Dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay