Waxay Guddiga Fulinta ee JWXO ku kulmeen shir hawleed-koodii caadiga ahaa, taasoo lagu gorfeeyay arima badan oo muhiim ah. shirkan oo Gudoomiyaha Jabhadda uu gudominayay ayaa waxaa horyaalay qodobo muhiim ah oo geedisocodka halganka wax weyn ka tari doona.

Ugu horeyn Gudoomiyaha wuxuu warbixin ka siiyay xubnaha Fulinta ururka arimihii lagaga hadlay Shirkii lagu qabtay Germany (Fiiri) iyo go’aanadii lagu gaadhay, taasoo Guddiga Fulinta uu go’aamiyay in JWXO dhankeeda ey fuliso.

Warbixintaa ka dib; waxaa laga dhagaystay gudigii loo saaray Horumarinta Warfaafinta ururka gaar ahaan qaybta muqaalka. Gudiga ayaa u soo gudbiyay Golaha Fulinta Daraasad qota dheer oo arintaa ku saabsan. Fikrad is-weydaarsi ka dib,  waxaa lagu go’aansaday in la fuliyo qodbada ay daraasadda ku soo bandhigeen guddiga.

Waxaa la falanqeeyay oo kale arima quseeya halganka ka socda Gudaha Dalka iyo sidii loo dardar galin lahaa go’aanadii horey loo qaatay ee ku saabsanaa horumarinta CWXO iyo fashilinta qorshaha cadawga eek u wajahan shacabka.

Shirka Guddiga Fulinta oo socday in ka badan afar saacadood ayaa lagu go’aansaday qodobo wax-qabad ah oo mudaysan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay