Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) Adm. Mohd Cumar Cismaan, yaa booqasho kumaraya wadamada Yurub. Wuxuu Gudoomiyuhu kulamo iyo shirar laqaadan doonaa shacabka Soomaalida Ogadeniya ee kudhaqan qaarada Yurub. Socdaalkan oo kamid ah booqashooyinkii caadiga ahaa ee madaxda iyo masuuliinta jabhadu lawadaagi jireen jaaliyaadka Somalida Ogadenya ee kudhaqan dunida dacaladeeda yuu Gudoomiyuhu lawadaagi doonaa muwaadiniinta Somalida Ogadenya ee kunool wadamada Yurub.

Hadaba waxaa la,ogaysiinayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan shacabka Somalida Ogadenya ee kudhaqan wadanka Sweden ineey kasoo qaybgalaan shir muhiim ah oo lagu qaban doono haduu eebuhu yiraahdo caasimada wadanka Sweden ee Stockholm 18/01/2014.

Faah faahinta Goobta shirku kadhici doono iyo kolba wixii loobaahdo ama su,aalo laxidhiidha shirkan waxaad kaheli kartaan ciiwaankan hoose.

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay