Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo dhowr ah oo ciidamada cadawga lagu naafeeyay oo meela kala duwan oo dalka ah ka dhacay. Dagaalada nasoo gaadhay warbixintooda oo faahfaahsan oo kala dhacay 4maalmood ayaa cadawga lagaga dilay dhowr iyo toban iyo dhaawac, iyadoo hal baabuur oo kuwa ciidanka qaada ah oo halkii ku gubtay baabuurkii iyo ciidankii saarna. Dagaaladan oo kamid ah kuwo ciida Ogadenia lagu xoraynayo ayaa u dhacay sidan;

28/12/13 Gudhis oo dagmada Dhuxun katirsan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya kudhaxmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

28/12/13 Golxul oo Dhuxun katirsan kamiin ay CWXO kaxidheen waxaa soogalay ciidan uu gumaysigu leeyahay waxaana halkaa lagaga dilay 10 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

5/1/14 Higlaalebiir oo Dhanaan katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 2 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

7/1/14 Miirdanbas oo Wardheer katirsan weerar xoogan oo ay CWXO kuqaadeen kolonyo baabuur ah oo halkaas maraysay waxaa ciidamka cadawga lagaga gubay 1 baabuur oo ay isla dhalaaleen isaga iyo wixii saaraaba sidoo kale waxay wax yeelo xoogan ugaysteen baabuur kale oo kolonyada kamid ahaa.

8/1/14 Qolqoldheer oo Shaygoosh katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 1 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

8/1/14 Dhagxbuur wuxuu dagaal kudhaxmaray labo ciidan oo kuwa cadawga ah waxayna iska dileen 1 askari oo waxay shaaliqe ha ugu yeedhaan ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay