Koonfur Afrika – Xubnaha  Ururka OYSU ee East London Iyo maamulka Jaaliyada Ogadeniya ee Faraca magaaladaas ayaa kulan lagu dooratay maamul cusub oo hogaamiya Ururka OYSU faraca  magaalada  East London qabsaday  maalin nimadii shalay. Kulankan oo gundhigiisu ahaa dhisida maamul  cusub Iyo in la buuxiyo Xubnaha Gudiyada Faraca OYSU ayaaa  lagu doortay Lix (6) xubnood oo uu soo xushay Xoghayaha Dhalinyarada ee deegaankaas mudane Cabdiraxmaan Khaliif  (Cabdiraxman Fanax).

Ka soo qayb galayaashii shirka oo si aad ah oogu faraxsanaa dhismaha maamulka cusub ee ururka loo doortay ayaa  kula dar daarmay maamulka cusub in ay muhiimad gaar ah siiyaan hawsha loo doortay siday tahayna uga soo baxaan kuna dadaalaan dar dar galinta shaqooyinka iyo sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen tayadda wax qabadka Ururka dhalinyarada ee Deegaankaas.

Hayi/Koonfur Afrika.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay