Waxaa maanta ooy taariikhdu tahay 18/1/2014, kafurmay caasimada wadanka Sweden ee Stockholm shirkii inta badan lasugayay kaasoo ay gudoonka oogu sareeya ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) kumarayeen qaarada Yururb. Kulankan oo ahaa mid siheer sare ah loosoo agaasimay ayay kasoo qaybgaleen shacab aad utiro badan oo buux dhaafiyay madashii kulankan lagu qabtay.

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha JWXO Adm. Maxamad Cumar Cisman ayaa siwanaagsan loogu soo dhaweeyay madasha shirka. Shacabkii hoolka buux dhaafiyay oo  aad uxamaasadaysan kuna faraxsan ineey maanta lakulmaan gudoomiyaha JWXO iyo waftidii kuwehelisay ayaa kasoo qaybgalay kulankan.

Iyadoo baryahan ay kada’yaan baraf aad udaran guud ahaan qaarada Yurub yaysan hadana kahor istaagin shacabka Somalida Ogadenya ee Gumaysi diidka ah ineey kafaa,iidaystaan fursadan qaaliga ah ay maanta nasiibka kuheleen ineey lakulmaan madaxda oogu saraysa JWXO.

Waxaa kale oo kasoo qaybgalay kulankan marti sharaf fara badan kuwaasoo lagu casuumay kasoo qaybgalka shirkan ay madaxda JWXO layeelatay Shacab waynaha Somalida Ogadenia ee kudhaqan wadanka Sweden.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa Haduu eebuhu yiraahdo warbixinta oo faah faahsan. Hadaba lasocda wararkaanaga danbe.

ONA /Sweden

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay