Oslo: Waxaa maanta ka dhacay wadanka Norway caasimadiisa Oslo, shirkii xubnaha Jaaliyadda Soomaalida Ogadenya ee ku dhaqan Oslo iyo nawaaxigeeda.

Shirkan oo Sheekh Abdiwali Garaad ku furay aayado kamid ah Quraanka Kariim ayaa waxa lagu soo bandhigay hawlihii maamulka qabteen illaa egga iyo qorshaha maamulka Jaaliyaddu higsan hayo sanadka cusub ee 2014.

Shirka waxaa warbixinno khuseeya qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda kulanka kusoo bandhigay si cilmiyaysan, Madaxa Dhaqaalaha Jaaliyadda Md. Abdiwali Soomane iyo Xoghayaha JaaliyaddaMd.Axmed A

Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Cabdishakuur ayaa isna ku dheeraaday fulinta qorshaha sanadka 2014 iyo hawl-qaybsiga xubnaha maamulka, middaas oo guul la taaban karo laga gaadhay bilihii lasoo dhaafay.

Shirkan oo aad loogu riyaaqay sidii loo soo qabanqaabiyay iyo agaasinkiisiba, ayaa wuxuu  ku dhammaaday jawi farxad leh iyo rajo wanaag aad u sareysa oo laga qabo sanadkan in la gaadho guulo waaweyn.

Shirka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xaaji Maxammed Yuusuf oo katirsan Guddiga fulinta ee Jabhadda JWXO, wuxuuna mas’uulku ku dheeraaday warbixinnadii ugu dambeeyey ee gudaha Ogadeenya.

Ugu dambeyntiina shirka ayaa lagu soo gabo gabeeyay cambaareyn balaadhan oo loo soo jeediyey gumeysiga Itoobiya, falalka xaq darrada ah ee ay kula kacayaan shacabka Soomaalida Ogaadeenya.

 

Mohamed Ilyas.

Oslo/Norway.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay