Wararka naga soogaadhaya Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa ka warbixiyay qayb ka mid ah dagaaladii ugu dambeeyay ee ciidanka cadawga lagu naafeeyay. Dagaaladan aan helnay warbixintooda oo dhacay shantii maalmood ee la soo dhaafay ayaa cadawga lagaga dilay inta la hubsaday ciidan kor u dhaafaya 25 askari iyo dhaawac intaa ka badan.

Wararka dagaalada ka socda dalka oo meela kala duwan ka dhaca ayaa waxaa dhacda inta badan inay shacabka xogta soo gudbiyaan, hasa ahaatee Wakaaladda ONA wararka waxay ka qaadataa oo kali ah Xarunta Dhexe. Dagaaladii ugu dambeeyay een helnay warbixintooda ayaa u dhacay sidan;

9/1/14 Gabiqowyaha oo Dhuxun katirsan dagaal ku dhexmaray CWXO iyo kuwa kumaysida Itoobiya waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/1/14 Jacjacle oo Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 5 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/1/14 Banyare oo Iimaybari katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/1/14 Bardaale oo Galaalshe katirsan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga kudhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin tiisa lahaynin.

14/1/14 Banyare oo Iimaybari katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

16/1/14 Falfal oo Dhagaxbuur katirsan waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dhaawacay 3 askari.

16/1/14 Karinka’owxuseen oo Dagmada Haarcad ee Gobolka Qoraxay katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

16/1/14 Elale oo Goday katirsan weerar aad uxoogbadan oo ay CWXO kuqaadeen ciidan uu cadawgu leeyahay oo halkaas kusugnaa waxaa goobta bakhtigooda lagu arkay 8 askari dhaawac aad ubadana waa lagu gaadhsiiyay sidoo kale waxaa ciidanka cadawga laga furtay hub iyo saanab milatari oo aad ubadan.

Isla 16/1/14 Baridiilaha oo Galaalshe katirsan iyo Maraaley oo Dhagxbuur katirsan dagaalo kakala dhacay waxaa ciidamada cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare badan oo aan faahfaahintiisa lahaynin.

17/1/14 Galadiid oo Qabridahare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 7 askari tiro kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay