Sidaad wararkaanagii hore kula socoteenba waxaa qaarada Yurub kormeer kumaraya wafti balaadhan ooy hogaaminayaan Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) Admiral Mahamed Omar Osman iyo Hogaanka Arimaha Dibada (HAAD) Mudane Abdirahman Sheekh Mahdi Maadeey oo booqasho kuyimid dalka Sweden ayaa waxay kormeer ku samaynayeen nidaamka iyo qaab shaqeedyada jaaliyadaha Somalida Ogadenia, iyagoo isla mar ahaantaana shacabka Ogadenia la wadaagaya warbixinada iyo afkaarta khusaysa Halganka Somalida Ogadeniya ay kuraadinayaan xuquuqdooda iyo aayo katalintooda.

Masuuliyiinta oo waajibaadkooda gudanaya ayaa waxay qabteen shalay oo ahayd maalintii labaad ee kormeerkooda ay kujoogaan caasimada wadanka Sweden ee Stockholm shir heersare ah ooy laqaateen xubnaha iyo Masuuliinta JWXO ee kahawlgala wadanka Sweden, iyadoo maalinkii kahoreeyay ooy taariikhdu ahayd 18/1/2014 kulan heersare ah ay madaxdu uqabatay dhamaan bulsha waynta Somaliyeed ee kudhaqan wadanka Sweden kuwaasoo aad usoo dhaweeyay kaqaybgalka kulankan ay madaxda JWXO daadihinayaan.
Booqashada Masuuliyiinta JWXO ay kusoo gaadheen dalka Sweden ayaa waxaad moodaa inuu kusoo beegmay waqti xasaasi ah oo uu gumaysigu kujiro marxalad aad uqalafsan oo dhanwalba saamaysay shacabka S.Ogadenya uu u oomanyahay warbixinada kusaabsan guulaha JWXO iyo jabka wayaanaha naf lacaariga ah soogaadhay iyo walibana wayaane kalkaalka uu hormuudka uyahay dhagar qabe Abdi Ileey oo maalinimadii Sabtida ahayd ay Jaaliyada Somalida Ogadenya ee wadanka UK kudhaqan siiyeen caahir lama ilaawaan ah kaasoo ay Jaaliyadu kumuujisay awoodeeda iyo midnimada shacabka Somalida Ogadenya meel kastooy joogaan dunida dacaladeeda.
Masuuliyiinta JWXO oo ujeedadooda iyo hadafkoodu oogu wayn uu ahaa gaadhsiinta xaalada halganka iyo marxaladaha kalagadisan ee maanta lagujiro inay laqaybsadaan bulshada rayadka ah ee aadka ujecel ineey lasocdaan xaalada uu halgankoodu maanta marayo ayaa waxay ahayd fariinta ay madaxdu xambaarsanaayeen oo meelo badan taabanaysay taasoo madaxdu ay si xilkasnimo kudheehantahay oogu gudbiyeen bulshada S/Ogadenia.
Waxaa kale ooy masuuliyiintu bogaadin iyo amaan balaadhan usoo jeediyeen shacabka S/Ogadenia kaasoo ay kutilmaameen inay yihiin shacab geesi ah, isla mar ahaantaana bogaadin usoo jeediyay dadaalka dheeriga ah eey hadiyo jeer oogu jiraan helida xaquuqdooda laduudsiyay ee gumaysiga TPLF tu hormuudka utahay ay kuhayaan ummadda Somalida Ogadenya.

Warbixinada ay madaxdu lawadaagtay xubnaha Jaaliyada ayay aad oogu dheeraadeen kuwaasoo xasaasi ahaa ayaa runtii dhamaan hawlwadeenkii Jaaliyada ee madasha isugu yimid ay si wanaagsan oogu diirsadeen aadna oogu riyaaqeen sida hufan ee cilmiyaysan ee madaxdu oogu soo bandhigeen warbixinada gaarka ah ee kusaabsan xaalada Ogadenya.

Xubnaha madasha shirka fadhiyay oo ahaa kuwo ay farxad iyo shucuur aad uqiiro iyo xamaasad badan  kamuuqatay wajiyadooda kuna qanacsanaa ilaa xad lakulanka madaxdooda sharafta leh, sidoo kale madaxda ayaa aad oogu amaantay inay yihiin bir aan ljabin karin, lagana doonayo inay hawlahooda quruxda badan eey halganka iyo shacabkooda uhayaan inay sii laba jibaaraan, Asagoo Gudoomiyaha JWXO lahadlaya xubnaha sharafta leh wuxuu yidhi sidan:- * Waxaan doonayaa anigoo da’dan ah inaan xoriyada Ogadenia rabbi nasiib iigu darro inaan gaadho Ogadenya oo xor ah kuwii igaadhsiin lahaana fadliga Ilaahay SXWTC kasokowna waa adinka*.  Masuuliyiinta oo su’aalo aad ufara badan madasha laga weeydiiyay ayaa su’aalahii uga wada jawaabay si wanaagsan ooy kuqanceen xubnaha Jaaliyada Sweden iyo Madaxda kale ee goobta joogtay.

Dhanka kale Jaaliyada Sweden oo kagashay baal dahabi ah taariikhda Halganka Somalida Ogadenya kadib markay Jaaliyadu kutalaabsatay talaabooyin muhiim ah sida dacwada kadhanka ah Gumaysiga Wayaanuhu hormuudka uyahay taasoo kunoqotay cadawga shacabka S.Ogadenya dharbaaxo aan laga soowaaqsan karin ayay madaxdu si khaas ah oogu amaantay dadaalkooda iyo midnimada ay Jaaliyadu had iyo jeer oogu taaganyihiin sidii cadaalada loohor keeni lahaa Gumaysiga iyo kabaqaadayaashiisa kunaaxay dhiiga shacabka birimagaydada ah ee S.Ogadenya ee gumaadka iyo xasuuqa baahsan hadh iyo habeen kujira.
Sikastaba ha ahaatee kulankan oo ahaa mid xasaasi ah aadna uqiima badnaa kaasoo waxyaabo  badan lagu lafaguray ayaa waxuu kusoo gabagaboobay jawi farxadeed iyo rayn rayn ay kudheehantahay waxayna madaxda JWXO iyo Hawlwadeenka Jaaliyada Sweden isku balansadeen balaadhinta iyo hirgalinta qorshaha udajisan ee lahigsanayo ineey hirgalaan sida oogu dhakhsaha badan Inshaa allah.

 

 

 

Ilwad Ali

ONA /Stockholm

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay