Waxaa si heersare ah u qabsoomay shirkii jaaliyada S.Ogaadeniya ee JOKA. Shirkan oo ahaa mid bille ah ayaa qabsoomay maanta oo ay taariikhdu ahayd 19/01/14. Shirka oo xaafiiska JOKA uu hirgaliyay ayaa waxaa daadihinayay Hogaanka abaabulka ee JOKA mudane Faysal, oo warbixin ku saabsan heerka abaabul ee dibada iyo gudahaba kasoo jeediyay. Waxaa soo xaadiray shirka dhamaan faracyada JOKA iyo gudida fulinta ee JOKA,

Waxaa ugu horeynba sidii dhaqanka wanaagsan ahayd lagu furay wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Sh Shaafi Cabdi oo ka hadlay dhawrsanaanta iyo ahmiyada fidinta dacwada diinta islamka.

Shirkan ayaa lagu xisaabtamay iyadoo lagu qiimeeyay wax qabadkii bilihii ugu danbeeyay, isla markaana laga wada hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaa Kala fadhiga Jaaliyada Ogaadeeniya ee koonfur Afrika oo ku aadan bisha sadexaad ee snadkan haduu Eebe idmo.

Ugu danbayntii waxaa shirka  Hanbalyo iyo bogaadin looga diray Jaaliyadda Ogaadeeniya ee London, dhiirnaanta ay muujiyeen iyo sida ay u baacsadeen dhisuqlayda iyo dhididdhawrka, jaanta hoosteeda ugu jira Tigreega Jaha wareersan.

Jaalidda London Waa jaaliyadda ku caanbaxday Habka loo fashiliyo Qorshaha wasaarada dibada ee TPLF. Waxaanan leenahay garabkiina ayaan taaganahay, Balanteenuna – Waa wadada aad noohorsdeen.

Midnimo. Mintid. Isku tashi. Allaahu akbar. Guul iyo. Gobanimo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay