Ogaden News Agency (ONA)

Qareenkii Mucaaradka Jabuuti oo xabsiga loo taxaabay

Shalay galabnimadii xilli ay guursheegtu ku abaarneyd afartii galabnimo taarikhduna ku beegneyd 23 01 2013 waxa loo taxaabey Jeelka magalada Ali-Sabieh; Sakariya Cabdillaahi Cali oo ah Qareenka Dalada Mucaaradka Jabuuti ee magaceega lagu soo koobey (USN) iyo  sadex  qof oo kale oo ay labo tahey Faransis kuwaas oo saaxib dhow la ahaa Garyaqaan Sakariye  iyo nin dhalinyaro reer jabuuti ah.

Dadkan ayaa waxaa loo taxaabey  Jeelka Ciidanka ee loo yaqaan Jeedaaranka ee  rugtisu tahey magalada Ali-Sabieh.

Sakariye Cabdillahi Cali  waa  Qareen (Lawyer ) una dooda xaquuqda Dalada Mucaaradka Jabuuti, sidoo kale waxaa u madaxa ka yahey hay`adda xaquuqda aadamaha ee LDDH ee dalka Jabuuti.

Sidoo kale waa Xildhiibaan ka mid  ah Baarlamaanka  Dalada Mucaaradka Jabuuti lagu bar-tilmaameedsadey hawlaha shaqo ee u hayo mucaaradka Jabuuti mana jirto danbi kale oo loo xidhey.

M/weyne Ismaaciil C. Geele ayaa Jabuuti Madaxweyne ka ahaa laga soo bilaabo 1999, isagoo kalawareegay xukunka abtigii Xassan Guuled Abtidoon.

ONA.

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=28634

Posted by on Jan 24 2014. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

2 Comments for “Qareenkii Mucaaradka Jabuuti oo xabsiga loo taxaabay”

  1. Hassan

    Ma Aqaan waxaad ku maagteen inaad Djibouti ka warrantaan, Haddise aad doorteen inaad sidaas yeeshaan. Hassan Guled Ma ahayn ama uma ahayn Abti Ismail Omar laakiin woxgaa Adeer Guud ayuu ahaa,

  2. Hassan

    Fadlan waxaad Links ku dartaan meel la idinkala soo xidhiidho si ay u sahlanaato in dadku dareenkooda idiin soo gudbiyo.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 7,948
  • Last 7 days: 50,024
  • Last 30 days: 209,741
  • Online now: 18
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com