Su’aashaa si loo fahmo waxaa qasab ah in aan marka hore baadhno macnaha ereyga Umad/Jinsiyad (Nation/Natiinality) iyo qofka aadanaha ah wuxuu dareemayo markuu leeyahay waxaan ahay Umaddaa/Jinsiyadaa (Somali, Itobiyaan, Kenyan, Ertreeyaan iwm). Laga bilaabo qoyska – reerka– beesha – umadda, qofka markuu sheeganayo waa inuu dareemaa xasilooni ka imanaysa inuu qofkaasi ku qabo kalsooni sheegashadaa oo aanay naftiisa dareemin inay tahay xaalad lagu qasbay ama uu kaga gudbayo duruuf haysata oo waqtigaa taagan. Intaa ka dib;

Siyaabo kala duwan ayaa loo sharxay oo isugu biya-shubanaya macnaha Umad (Nation) inay tahay; Bulsho leh dhaqan-siyaasadeed oo dareemay midnimadooda, isku-xidhnaantooda iyo inay leeyhiin dano u gaar ah .. (It is a cultural-political community that has become conscious of its coherence, unity, and particular interests.) Dood-wadaaga (Forum) lagu magacaabo Global Political Forum, wuxuu ku macneeyay Umadnimadu inay timaado marka la helo dad leh dareen is-aqoonsi (identity) dhexdooda ah oo xoogan. Umaddu iyagoon lahayn Qaranimo u gaar ah ayay sheegan karaan inay yihiin Qaran gooni ah; The nation may have a claim to statehood or self-rule, but it does not necessarily enjoy a state of its own. Aqoonsiga Umadnimada wuxuu ku qotomaa wadaaga dhaqan, diin, tariikh, luqad ama isir-wadaag.

Dood badan ayaa laga soo jeediyay arimaha quseeya Umadnimada, gaar ahaan Qarnigan aan ku jirno oo umada kala jaad ah ay ku midoobaan Qarannimo (Statehood). Hasa ahaatee umadaha gaadhay heerka ah inay ku midoobaan Dawlad iyo Qaranimo, waxay ka soo gudbeen taariikh dheer oo heerar kala duwan soo martay oo ku dambaysay is-afgarad iyo heshiis iyo nidaam cusub oo muujinaya habkay ugu wada nolaan lahaayeen sinaan iyo cadaalad. Arinta ugu muhiimsan inay isla meeldhigaana waa taariikhda. Waxaa laga yaabaa inay ku kulmaan Qarankaasi Qawmiyad wax soo gumaysatay iyo Qawmiyad la soo gumaystay. Qawmiyad ku faanaysa oo u dabaaldagaysa Boqor soo xasuuqay shacabkii qawmiyadaha kale, oo  iyaga uu ugu muuqdo inuu yahay aabaha Qaranimadooda sida Minilk, ma wada noolaan karaan Qawmiyadaha kale oo uu soo xasuuqay shacabkooda oo iyagana u arka inuu yahay Gacan-ku-dhiigle.

Sababaha ugu badan ee dhaliya is-maandhaafka ee burburiya dawlado federaalka ahaana waa xusuusta taariikhda.

Hadaan dareenka shacabkeena fiirino, Itobiya waxay u yaqaanaan Amxaaro. Ereygaasina kuma imaanin aqoondarro la haysata taariikhda dalkan loo yaqaano Itobiya ee waa erey bixin uga timid Galbeedka Itobiya. Waxaa ku xusan taariikhda dalka Itobiya in qofka Masiixiga ah la odhan jiray Amxaar, taasoo macnaheedu yahay inay labadaa erey is-dabooleen oo marka qof markuu masiixi noqdo la odhan jiray Amxaar (Gradually, the word Amhara and Christian became so synonymous that when a non-Amhara was converted to Christianity, it was said of him that he became an Amhara.). Ka dib Luqadda hadda ay ku hadasho Itobiya ayaa la abuuray, gaar ahaan markay ku fidey Boqortooyadii Abyssinia gobolada Gonder, Gojam, Shewa, Wadla & Delanta, Lasta, Saynt, Meket  iyo Shadaho. wuxuuna noqday qofka ku hadlaluqadaa ee masiixiga ah in la yidhaahdo waa Amxaaro oo u dhiganta waa Itobiyaan. Qawmiyada badan ayaa lagu qasbay inay qaataan diinta iyo afkaba oo sidaa ku noqday Itobiyaan xuquuqda dalka qayb ku yeesha. Maqaalkii aan horey uga soo xiganay – Ayyaantu news – waxaa ku qornaa intii u dhexeysay 1868-1900 in la xasuuqay 5milyan oo Oroma ah oo u dhiganta kala badh shacabkii Oromada say u noqdaan Amxaro/Itobiyaan (Af+Diin).

Hasa ahaate Somlalida waxay noqdeen Qawmiyadda kali ah ee gabi ahaanba diidey iskana caabiyey inay qaataan labadaa shardi ee Itobiyaanka lagu noqdo. Dagaala badan ayaa arintaa darteed loogu soo qaaday Somalida, dhibaato badanna waa loogu gaystay. Wariyihii Qahira uga soo warmayay wargayska Pall Mall Gazette 22 Oct. 1827 wuxuu soo diray in ciidamada Abyssinia ay dhibaato badan u gaystaan shacabka Somaliyeed ee Ogadenya oy xoolahooda soo dhacaan ( http://www.ogadennet.com/?p=26727 ).

Waxaa taariikhda Itobiya ee qoran kaaga muuqanaya inay jirto hab ay u fahamsan yihiin xukuumadaha Adisababa qofka ah Itobiyaan. Hadii waayadii hore dagaal iyo xasuuq lagu Itobiyaynayay/Amxaareynayay qawmiyadaha kale, waxaa hadda la doonayaa in lagu Itoobiyeeyo dadka soo hadhay ee diidan inay ka tanaasulaan dhaqankooda, diintooda iyo afkooda been-abuur aan waxba ka jirin oo ah waxaan nahay Qawmiyado Federaal ah. Waxaana loo diyaariyay Dastuur warqad lagu qoray oo ah Ogolow ama Ha-Ogolaanin waa Dastuurkaagii waxaadna tahay Itobiyaan.

Majiri karaa wax ka badalan habkan soo jireenka ahaa ee Itobiyeynta/Amxaareynta ah oo shucuubta Geeska Afrika ee dagan meegaarka loo yaqaano Itobiya ay kuwada noolaan karaan ama ay ku dhisan karaan nidaam ka badalan midkaa? Jawaabta waa HAA. Waxayna iman kartaa oo kali ah marka kuwa cabsan nidaamkan Itoobiyaynta ah aqoonsadaan inay jiraan shucuub ay dulmeen oo leh taariikh, dhaqan iyo diin oon diyaar u ahayn inay ku badashaan karaamadooda umadnimo waxaad ku noqoteen Itoobiyaan Dastuur aanay qayb ka noqonin qoridiisa iyo aqbalaadiisa toona.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay