Shir aad ubalaadhan mudana lasugayey oo ahaa shir doorasho ayaa maanta lagu qabtay xarunta wadanka Kenya ee Nairobi.

Shirkan oo ay kasoo qayb galeed dadwayne aad u tirabadan kana kala yimid xaafadaha magaalada Nairobi iyo Nawaaxigeeda ayaa lagu qabtay Hall wayn oo kuyaala badh-tamaha xaafada ay Soomaalidu ubadan tahay ee magaalada Nairobi.

Shirka ayaa waxaa kasoo qaby galay masuuliyiin sare oo kamid ah Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya iyo marti sharaf ka kala timid qaybo kamid ah magaalooyinka wadanka Kenya iyo wadanka USA.

Shirkan doorashada ayaa intii aan laguda galin waxaa khudbadado dhaxal gal ah kasoo jeediyey masuuliyiin kamid ah JWXO waxaana hadal lagu diirsaday oo isugu jiray guubaago iyo xogwaran kajeediyey shirka Halgame Dr Cabdiraxmaan Yuusuf. Sidoo kale shirka ayaa waxaa hadal kooban oo kuqotomey warbixinta ururka OYSU iyo marxaladihii uusoomaray ururku ka jeediyey shirka xogyahay ururka OYSU ee dalka Kenya Mudane Cabdirashiid Sheekh Maxamed.

Shirka oo ahaa shir doorasho ayaa waxaa si qiiro iyo wadaniyadi ku dheehantahay aadna u heer saraysa loogu doortay maamulka iyo masuuliyiinta Ururka OYSU faraciisa magaalada Nairobi oo kakooban 7 xubnood. Waxaana xoghayaha ururka OYSU faraca magaalada Nairobi noqday Mudane  Qadri Faarax Maxamuud.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa hadal dardaaran iyo dhiirigalin ah kajeediyey shirka Halgame Cabdulaahi Maxamed Aadan oo si waayo aragnimo leh ula dardaarmay ururka dhalinta OYSU meel kasta oo ay aduunka kajoogaan gaar ahaan kuwa kusugan dalka Kenya.

ONA

Nairobi,Kenya

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay