Sidaad wararkaanagii hore kulasocoteenba waxaa kormeer shaqo Kumarayey qaaradan yurub wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) Admiral Maxamad Cumar Cismaan, hadaba wafdigan ayaa maalmahanba Kusugnaa dalka Finland kulamo Kaladuwanna laqaadaynayey shacabweynaha soomaalida Ogadeniya laamihiisa Kaladuwan ee kudhaqan wadanka Finland.

Maanta oy taariikhdu tahay 26.1.2014 ayaa shir sheersare ah loosoo agaasimay wafdigu laqaatay Jaaliyad waynta Soomaalida Ogadeniya ee kudhaqan dalka Finland shirkaasoo ay soo buuxdhaafiyeen boqolaal shacab ah ayaa galabta abaarihii 4:00pm galabnimo kabilaabmay hool wayn oo kuyaala bariga magaalada Helsinki caasimada wadanka Finland.

Aayado qur’aan ah iyo wacdi diini ah kabacdi ayuu shirku sirasmi ah ufuray gudoomiyaha jaaliyada Somalida Ogadenya ee wadanka Finland isagoo gudoomiyuhu uu sooban dhigan warbixin koobana oo kusaabsan waxqabadka Jaaliyada isagoo warbixintan lawadaagay kasoo qaybgaleyaashii kulankan.
Waxaa codbaahiyaha lagusoo dhaweeyay xubnihii waftiga kuweheliyay Gudoomiyaha JWXO kaasoo uu kubilaabay khudbad aad uqiimo badan Madaxa Waaxda Arimaha Ururka ee Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Ururka (HAAU) Mudane Cabdinaasir Gadhweyne oo aad oogu nuuxnuuxsaday taariikhda halganka Ogadeniya, deedna codbaahiyaha waxaa lawareegay Kuxigeenka Hogaanka Warfaafinta (HWF) Mudane Maxamed Cali Axmad oo siqoto dheer leh ooga hadlay borobogaandada iyo beenta gumeysiga daalan ee wakhtiguusu dhamaaday uu adeegsanayo baryahan danbe.

Waxaa codbaahiyaha sidiiran loogu soodhaweeyay Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo dadku sugila’aayeen hadalkiisa ayey goobtii markaliya sacab iyo mushxarad is qabsatay. Hadaba gudoomiyaha ayaa khudbad dheer oo aad uqiimo badan kaga warbixiyay marxalada halganka ee gudo iyo dibadba iyo siduu cadowgu oogu fashilmay shirqooladuu larabay shacabka Somalida Ogadenya iyo halgankooda ay JWXO hogaaminayso.


Shirka ayaa kusoo idlaaday farxad aad ka dheehanaysey wajiyada dadka kasoo qaybgaleyaasha iyo guud ahaan Xubnaha iyo Masuuliinta Jaaliyada Somalida Ogadenya ee kudhaqan wadanka Finland. Waxaa xusid mudan heerka qabowga oo gaadhayay -20 ayay dadku meelo fogfog uga soo kicitimeen shirka taasoo katurjumaysa inuusan jirin wax hor istaagi kara qancinaynna wax aan ka ahayn xornimadama wadanka Ogadenya ee Gumaysiga daalan uu xaqdarada kuhaysto.

  ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay