Koonfur Afrika –

Jaaliyada Ogadeniya ee  Dalka Koonfur Africa ayaa Shirkii  wada-tashiga Iyo wax Qabadka Jaaliyada isugu yimid. Sharka jaaliyadda ayaa ka dhacay magaaladaPort Elizabethoo ah Xarunta  Gobolka Eastern Cape.

Waxaa  ka soo qayb galay shirka Xubnaha Jaaliyad ee  Magaalada  Port Elizabeth  Iyo Masuul Ka tirsan golaha dhexe ee Jabhada ONLF oo ku sugan  Dalka Koonfur Africa.

Shirka oo lagu gorfeeyay  Arimo   badan oo waxqabadka Jaaliyada Ogadeniya ku saabsan ayay xubnihii ka soo gayb galay Shirka sheegeen  in Arimaha Jaaliyada Ogadeniya ee Koonfur Africa ay meel wanaagsan gaadha  bilihii ugu dambeeyay balse loo baahan yahay in la sii xoojiyo dadaalka Iyo isku ku xidhnaanta Hay’adaha Jaaliyada.

Shirkan Masuuliyiinta ka hadashay oo isugu jiray Aqoonyahano Arday Haween , Culumo-awdiin , wax-garad Iyo Siyaasiyiin ku xeel dheer Qorshayaasha Gumaysiga Itoobiya ayaa  dhamaan tood isku raacay sidii loo garab istaagi lahaa shacabka Somalida Ogadeniya ee ay Ciidamada Itoobiya  kula kacaan falalka argagaxnimada leh  ee ka dhanka ah  xuquuqda aadamaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay