Jaaliyada Somalida Ogadenya ee kudhaqan wadanka Denmark waxay sikulul ucabaaraynaysaa dhacdadii foosha xumayd eey nidaamka dhiigyacabka ah ee Itoobiya kula kacday masuuliyiin katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) kuwaasoo kala ahaa Naftiihure Sulub Abdi Ahmed & Naftiihure Ali Ahmed Hussein (Ali Dheere) oo laga afduubay magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya maalinimadii axada ahayd ooy taariikhdu kubeegnayd 26/01/2014 ayagoo Nairobi ujoogay wadahadal laqorshaynayay inuu dhexmaro Jabhada ONLF & Gumaysiga saama laluudka ah ee Itoobiya.

Canbaarayn:-

Waxaan Cambaaraynaynaa gumaadka, gumaysiga & cadaalad darrida uu nidaamka Itoobiya kuhayo guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan shacabka Somalida Ogadenya oo maalin kasta kujira dil, kufsi, dhac & barakicin si loo ogolaysiiyo qarnigan aan kujirro gumaysi iyo dullinimo sharci darro ah. Waxaan Cambaaraynayaa kuwa dulmiga oogu garbaynaya maxaysatada kunaaxday dhiiga shacabka Somalida Ogadenya & kuwa ujaajuusa ee garabka kusiiya dhibaataynta iyo hagardaamada bulshada rayadka ah ee Somalida Ogadenya.

Waxaan sikulul ucanbaaraynayaa fal danbiyeedkan foosha xun kaasoon ahayn markii koobaad eey Itoobiya samayso ayadoo marar hore wadanka Soomaaliya kasoo afduubtay halgamayaal udhashay wadanka Somalida Ogadenya ooy jeelasha kubah dishay kadib markii lagu sameeyay ciqaab tii oogu xumayd abid taasoo keentay ineey muwaadiintaas dulmiga lagu sameeyay in loola dhaqmay si,aan anshaxa iyo dhaqanka suuban ee islaamnimada iyo soomaalinimada kuqqotoma aan waafaqsanayn.

Baaq:-

Jaaliyadda Somalida Ogadenya ee wadanka Denmark waxay  Somalida Ogadenya ee geesiga ah oogu baaqaysaa ineey xoojiyaan midnimadooda ooysan udhago nuglaanin qorshayaasha fulaynimada iyo bahalnimada ah eey Itoobiya kudoonayso ineey Halganka xaqa ah ee Ogadenyana ay kuqabjabiso, waxaana leenahay shacabka Ogadenya meel kastoo uu joogaba waa inuu noqdo ul & diirkeed cadowgoodana ay meel ooga soo wada jeedsadaan.

Gumaysiga macangaga ah ee Itoobiya waxaa ka go’an inuu khayraadka Ogadenya ee rabbi (SXWTC) kumanahaystay lawareego inagana uu inaga dhigo mid uu xidho mid uu dilo & mid dalka iskaga carara, sidaasoo kale shacabka Ogadenya waxaa kago’an ineey ciidda hooyo gumaysiga kaxoreeyaan isla markaana kaga dhabeeyaan rabitaanka shacabka Somalida Ogadenya. Halganka xaqa ah wuu soconayaa khataro badana wuu kasoo gudbay waxaana udiyaar ah shacabka geesiga ah oon marnaba kuniyad jabaynin falalka fulaynimada ah eey Itoobiya dalalka Ogadenya dariska la ah ka fulinayso sida midan hada taagan ookale.

Umadda Soomaaliyeed een walaalaha nahay waxaan leenahay waa in aad hurdada ka kacdaan garab & gaashaana siisaan dadka walaalihiin ah ee dhalashada & dhiiga aad wadaagtaan si eey isaga dhiciyaan cadawga dhiigyo cabka ah ee doonaya inuu dhamaan umada Soomaaliyeed liqo.

Gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan dhamaan Hay’adaha Xuquuqul Insaanka udooda, Saxaafada Caalamka ee xorta ah, Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD,  Midawga Yururb EU, Jaamacada Carabta & dhamaan inta dareenka Aadamiga ah leh oogu baaqaynaa ineey baadhitaan dhab ah kusameeyaan gumaadka iyo xadgudubyada joogtada ah ee kasocda wadanka Ogadenya oo ah Baabi’in ay Itoobiya doonayso ineey shacabkaas ka tir tirto dhulka uu ilaahay ku abuuray waana in Itoobiya lagula xisaabtamo dambiyada ay galayso, waana in la diiwaan galiyo shaqsiyaadka kadambeeya dhibaatadaas si maxkamada danbiyada caalamiga ah loo horkeeno.

Oogu danbayntii Jaaliyadda Somalida Ogadenya ee wadanka Denmark waxay halkan bogaadin oogu diraysaa dhamaan shacabka Somalida Ogadenya ee diiday in dalkooda lagala wareego ayagoo muujiyay diidmo dhab ah, taasoo looga baahan yahay ineey wadaan go’aankooda ah ineey meelkasta kufashiliyaan qorsheyaasha & beenta ay Itoobiya doonayso ineey beesha caalamka ka,iibiso.

 

Jaaliyada Somalida Ogadenya ee wadanka Denmark.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay