Waxaa la wereegtay Filimka Essence Of Terror (Argagaixso Dhab ah) shirkad laga leeyahay dalka Denmark inay caalamka u soo bandhigto. Shirkadan qaadatay oo magaceeda loo soo gaabiyo DR oo kutaala lagana leeyahay wadanka Denmark ayaa ah shirkada maamusha warbaahinta wadanka Denmark.

Kasokow waxay leedahay shirkaddan qayb u qaabilsan u qaybinta filimida documentary-ga ah caalamka intiisa kale (Riix Halkan). Sidaan la socono shirkadaha waaweyn maqaataan filimada Documentry-ga ah hadaanay ku qanacsanayn inuu yahay filimkaasi mid xaqiiqada ka tarjumaya oo aan been alifaad ah lagu darin, islamarkaana uu yahay filim ay ku qanceen inuu mudan yahay in beesha caalamka la tuso.

Shirkada DR ayaa filimkii Essence of Terror lawareegtay caalamkana gaadhsiin doonta iyadoo ku tarjumi doonta luuqada dhawr ah oo caalamka lagaga hadlo.

Arintan waxay marqaati cad u tahay dambiyada ay Itobiya iyadoo adeegsanaysa Cabdi iley ay ka galeen shacabka Somaliyeed ee Ogadenya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay