Neef  Lagawracay Geedo Kama Gudo waa Gumaystaha Ethiopia gaduu yahay maanta.
Sida aan wada ogsoonahay Jabhada Tigreegu (TPLF) waxay magaalada Nairobi axadii aan soodhaafnay taariikhduna kubeegnayd 26-01-2014 ka afduubeen 2- Masuul oo kamida Gobanimo Doonka ONLF waa N-hure Sulub Cabdi Axmed iyo N-hure Cali Axmed Xuseen (Cali Dheere).
Lagasoo bilaabo sanadkii 1994 oo ahayd markii uu bilawday Halganka Hubaysan ee  udhexeeya Gumaystaha Ethiopia iyo Shacabka Soomaalida Ogaadeenya Jabhada TPLF Waxay Qaaday Talaabooyin Badan oo ay islahayd Ku Naafee ama Ku Wiiq Halganka Xaqa ah ee Shacabka S/ogadenia uu Kudoonayo Madax banaanidiisa, Dhamaan Talaabooyinkaas Wax Guul ah Way Ku Gaadhiwayday, Shacabkuna  Wuxuu Kaqaadayay Markasta Dar-dar Hor leh oo Halganka uu Ku Garab istaagayo. Talaabooyinka Gumaystuhu Qaaday Waxna uu Ku dheefsan Waayay Waxaa kamid ah Dacaayadaha Raqiiska ah ee uu Warbaahinta Ka Yidhaahdo ONLF GudahaWaan Ka Dhamaynay, Hadalkaasi inuu Yahay Dacaayad Raqiis ah Waxaa Kutusaya Falka Waxshinimada ah ee uu Kula Kacay Labada Sargaal oo Markii uu Gudaha iyo Goobaha Dagaalka Waxba Kaga Qaadi waayay Ku Gaaday Goob Amaan ah.
Labadan Mas’uul Waxay Ujoogeen Magaalada Laga Afduubay Wadahadaladii uu Gumaystaha Tigreegu Dalbaday inay Dhexmaraan iyaga iyo Ururka ONLF Kadib Markii uu Ku Guuldaraystay Dagaalka Gudaha Ka Socda ee u dhexeeya Ciidanka Gumaystaha iyo Ciidanka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (CJWXO), Wada Xaajoodkaas oo Wajigii Hore uu Qabsoomay 6-7 Sebtember-2012, Wajigii Labaadna 15-17-October-2012, Hase-yeeshee Wajigan Danbe uu Ku Dhamaaday Fashil kadib Markuu Gumaystuhu Layimaaday Miiska Wax aan u Cuntamaynin Shacabka Gobanimo doonka ah, Waxaana Lagu Rajo Waynaa in Mar Sadexaad Miiska La isugu yimaado, Hase-ahaatee Ethiopia Markay Ogaatay in Lagaga Gar-helayo Miiska Caalamiga ah ayay Ku Dhaqaaqday Falkan Fulaynimada ah, Waxshinimada ah ee Kabaxsan Qaanuunka Dawliga ah iyo Bani’aadanimadaba, Wuxuuna Ku Sifaysan yahay Gumaystuhu Maah Maahdii Soomaaliyeed ee Odhanaysay “Neef Lagawracay Geedo Kama Gudo” Waayo Neefka Lagawraco Nafta ayaa Qaad Qaadaysa oo Madaxa ayuu Meelkasta Ladhacaa Wax uu Ka baydhina Majiro. Ethiopia ayaana Lamida oo Gudaha iyo Goobihii Dagaalka Waa Lagaga Adkaaday, Qalinkii iyo Miiskii Caalamiga ahaa ee Wada Xaajoodkana Waa Lagaga Adkaaday, Markaasay Neef  Lagawracay Noqotay oo Waxba ay Kaleexan wayday, Qaanuun Dawli ah Mayna eegin Dalka Gogosha u Fidiyay Wada Xaajoodka oo Waliba iyadu ay Ka Codsatay Mayna Ixtiraamin, Naflacaarid nimadaasi Waxay Ka tustay inay intay Ragan Afduubto ay Dacaayad Ku Korsamayso Taasoo Laba Miduun ah, A-inay Tidhaahdo iyaga oo Gudaha Soogalaya ayaanu Qabanay. B- Heshiis bay Nala Galeen. Arintaas oo Dadka aan Ethiopia Aqoonta Fiican ulahayn uu aad ula Yaabi Waxa ay Sidaa U Samaynayso, Laakiin Shacabka S/ogadenia oo Kutakhasusay Dhagarta Ethiopia Wax Cusub Kasoo Qaadi uu Mahayo, Waayo Shacabka S/ogadenia ONLF-na Hormuud u Tahay Wuxuu Khabiir Ku yahay Sida Ethiopia ay u Jisho Filimaanta aan Sal iyo Raadka Lahayn. Labadan Qodob een Kor Kusoo Xusay Maalintii uu Falkani Dhacay Maalintii Ku Xigtayba Waxaa Lagu Daabacay Webka Nacamle yaasha Kilil Kusheegu ay Beennta iyo Dicaayadaha Gumaystuhu Udhiibo ay Kufaafiyaan, ONLF iyo Shacabkeeduna Wayba Kasii War hayeen inuu Gumaystuhu Damacsan yahay Rag uu Afduubo Kadibna Been abuur iyo Dacaayad uu Ku Dulsameeyo, Warbaahinta Shacabka Dulman u adeegtana Waa Lagu Soo Daabacay Dhawr Jeer Arinran. “War Laqabo Xiiso Maleh”.  Waxaa iyana Wax Laga Qajilo ah Website Lagu Magacaabo Danwaa oo iska dhigaya Madax banaan inuu Soo Qaato Webka Dabaqoodhiga Waxa Lagu daabacay een Soo Xusnay uu Hadana Yidhaahdo Sirbaan Helay Taasoo Macneheedu Tahay inuu Webkaasi Dacaayada La’abuurayo Nacamle yaasha Kililka.
Gaba’gabadii Gumaystaha Halbaan leeyahay, Hadaad Mooday Halganku inuu Ku Hakanayo Laba Mas’uul ood Afduubtay Dhaaxo ayaad Saraakiil Qaali ah Naga Qabtaa oo Naftoodii Qaaliga ahayd u Huray Sidii ay Karaamo iyo Sharaf Shacabkooda u Gaadhsiin Lahaayeen Labadana Kuwaa unbay Lamid Yihiin, Horayna Waxaa Loo yidhi “Hangaraarac Lug uma dhutiyo”  oo 7 Million ayaa Kula Dagaalamaysa, Anaguna Dhaaxo ayaanu Generalo Kuwaa ah oo Dool Kuyimid Dalkanaga aanu Jahanama u Dirnay Waana u Diri Doonaa Insha allah inta aad Joogto Dhulkanaga.
W/Q  Nasru-diin Mohamed
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay