Maqaalkan xiisaha leh wuxuu qoraaga ku cabirayaa halganka gobanimadoon iyo heerarka kala duwan ee bulshada gumaysiga ku jirta ay u marto xoriyadda. Wuxuu yidhi qoraaga;

.. markii halgan lagu raadin xoriyad ay bulsho bilaabayso waa goorta ay ogaato bulshadaasi in ay ku sugantahay gunimo, shaqsiyaadka ugu horeeya ee diida dhibka bulshadaas lagu hayo ee garata in ayna u qalmin meeqaanka ay ku sugantahay bulshadaasi inta ayna qaadan go’aankaas qalafsan ee qofkasta uu ogyahay inuu yahay go’aan adag, waxay falanqeeyaan duruufaha ku nigaxan bilaabida halgankaas sida; caqabadaha, turunturooyinka ka hor imaan kara iyo waliba saadaalin wadada loo marayo xoriyadda ay rajayn xubnahaasi.

Wuxuu intaa raaciyay;

Kooxdan markii ay halganka bilaabayeen waxay go’aansadeen in ay u dhintaan, u dhibtoodaan dalkooda iyo dadkooda sharaftiisa si bulshadoodu ugu noolaato gobonimo. Inta badan qofka halgamaaga ah waxaa farxad u ah in inta uuna dhiman uu arko dadkiisa oo xoriyad doon ah oo garab taagan una hiilinaya halganka xaqa ah ee uu wado, guusha iyo xoriyada inuu gaadho ama uu gurto midhaha halganka isaga rajo wayn kama qabo. Baahida balaadhan ee loo qabo xoriyada & falalka foosha xun ee uu gumaysigu ugu falcelinayo gobonimo doonka maalinkasta waxaa kusoo biiraya halganka dadwayne badan oo ninba arini ugu darantahay. Hugun raac, haasaawe doon, hanti doon, hebel raac, magac doon, madax doon, mid maalin gumaysigu uleeyay ama adhi uu ka kaxaystay gumaysi, mid meel uu ka huluusho waayay martabooyinka gumaysigu bixiyo, mid aan fikrad badan ka haysan dhibka iyo dheefta halganka & Halgamaaga Birlabka ah ee ay u bidhaamayso xoriyadu.

Maqaalkan xiisaha leh:

Halkan ka akhri.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay