Jaaliyada Somalida Ogadenya ee kudhaqan wadanka yaman waxay sikulul ucabaaraynaysaa dhacdadii foosha xumayd eey nidaamka dhiigyacabka ah ee Itoobiya kula kacday masuuliyiin katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) kuwaasoo kala ahaa Naftiihure Sulub Abdi Ahmed & Naftiihure Ali Ahmed Hussein (Ali Dheere) oo laga afduubay magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya maalinimadii axada ahayd ooy taariikhdu ku beegnayd  26/01/2014 ayagoo Nairobi ujoogay wadahadal laqorshaynayay inuu dhexmaro Jabhada ONLF & Gumaysiga saama laluudka ah ee Itoobiya.

Canbaarayn:-

Waxaan Cambaaraynaynaa gumaadka, gumaysiga & cadaalad darrida uu nidaamka Itoobiya kuhayo guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan shacabka Somalida Ogadenya oo maalin kasta kujidh dil, kufsi, dhac & barakicin si loo ogolaysiiyo qarnigan aan kujirro gumaysi iyo dullinimo sharci darro ah. Waxaan Cambaaraynayaa kuwa dulmiga oogu garbaynaya maxaysatada kunaaxday dhiiga shacabka Somalida Ogadenya & kuwa ujaajuusa ee garabka kusiiya dhibaataynta iyo hagardaamada bulshada rayadka ah ee Somalida Ogadenya.

Waxaan sikulul u canbaaraynayaa fal danbiyeedkan foosha xun kaasoon ahayn markii koobaad ay Itoobiya samayso ayadoo marar hore wadanka Soomaaliya kasoo afduubtay halgamayaal udhashay wadanka Somalida Ogadenya ooy jeelasha kubah dishay kadib markii lagu sameeyay ciqaab tii oogu xumayd abid taasoo keentay ineey muwaadiintaas dulmiga lagu sameeyay in loola dhaqmay si,aan anshaxa iyo dhaqanka suuban ee islaamnimada iyo xuqooda  bila aadan loola dhaqmo.

Baaq:-

Jaaliyadda Somalida Ogadenya ee wadanka yaman waxay  Somalida Ogadenya ee geesiga ah oogu baaqaysaa ineey xoojiyaan midnimadooda ooysan udhago nuglaanin qorshayaasha fulaynimada iyo bahalnimada ah eey Itoobiya kudoonayso ineey Halganka xaqa ah ee Ogadenyana ay kuqabjabiso, waxaana leenahay shacabka Ogadenya meel kastoo uu joogaba waa inuu noqdo ul & diirkeed cadowgoodana ay meel ooga soo wada jeedsadaan.

Gumaysiga macangaga ah ee Itoobiya waxaa ka go’an inuu khayraadka Ogadenya ee rabbi (SXWTC) kumanahaystay lawareego inagana uu inaga dhigo mid uu xidho mid uu dilo & mid dalka iskaga carara, sidaasoo kale shacabka Ogadenya waxaa kago’an ineey ciidda hooyo gumaysiga kaxoreeyaan isla markaana kaga dhabeeyaan rabitaanka shacabka Somalida Ogadenya. Halganka xaqa ah wuu soconayaa khataro badana wuu kasoo gudbay waxaana udiyaar ah shacabka geesiga ah oon marnaba kuniyad jabaynin falalka fulaynimada ah eey Itoobiya dalalka Ogadenya dariska la ah ka fulinayso sida midan hada taagan ookale.

Umadda Soomaaliyeed een walaalaha nahay waxaan leenahay waa in aad hurdada ka kacdaan garab & gaashaana siisaan dadka walaalihiin ah ee dhalashada & dhiiga aad wadaagtaan si eey isaga dhiciyaan cadawga dhiigyo cabka ah ee doonaya inuu dhamaan umada Soomaaliyeed liqo.

Jaaliyadda Somalida Ogadeniya ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa iyaguna shir isugu yimid ay ku cambaareynayaan falkii fuleynimda ahaa ee sirdoonka taliska wakhtigiisii dhamaaday ee Itoobiya kaga afduubeen Sulub Axmed iyo Ali Xuseen dalka Kenya todobaadkan aan ku jiro horaantiisii.

Jaaliyadda ayaa waxay si dhab u rumaysan tahay in ficilkan Itoobiya ku afduubtay nimankan madaxda ah uu sii dardar galin doono halganka xorimo doon ee ka socda Ogadeniya. Jahliyadu waxay balan qaadaysaa inay sii xoojin doonto kaalinta ay halganka kaga jirto, kana qayb qaadan doonto talaabo kasta oo ku aadan madaxdan la afduubay.

Halgan ka xaqa ah wuu guuleysan

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay