Xubnaha oo  fadhiisimadoodu yihiin magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria, ayaa siduu wariyaha Wakaaladda noo soo wariyay shirkooda kulafa guray hawlo badan oo  kusaabsan halganka iyo hawlaha ka socda dibada iyo gudaha Ogadenya labadaba.

Iyadoo  wakhtigan xubnaha ay kamuuqatay dagani iyo kalsooni ay halganka kuqabaan ayay hadana dhamaantood muujinayeen cadho iyo go’aan qaadasho halgan oo aad u dhiiran oo ay ku dhalisay falkii axmaq nimada ahaa ee guumaysigu ku afduubay madaxdii qaaliga ahayd ee Nairobi laga qafaashay.

Gudoonka faraca oo warbixin dheer  ujeediyay xubnaha ayaa carabka kudhuftay afduubkaas isagoo kutilmaamay “in aysan halgan ku cusbayn oo madaxdan lafteeda mararhore gacanta cadawga ay galeen waxa laga bartayna ay ahayd ookali cadho iyo ficiltan dhab ah in muwaadidiintu layimaadeen haddana ay la imanayaan una aarayaan madaxda la qafaashay”

Shirku sidookale waxay isla meel dhigeen sare uqaadida taageerada halganka maal iyo muruqba iyadoo la bartilmaamedsaday goobo gaar ah oo ay kamid yihiin abaabulka, sare uqaadida dhaqaalaha halganka iyo xoojinta dagaalka sharciga ah ee lagu wado gacan-kudhiiglayaasha guumaysiga iyo kabaqaad yadoodaba.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay