Anagoo ah Jaaliyada Somalida Ogadenya ee wadanka Germany waxaan halkan canbaarayn kulul uga soo jeedinaynaa dawlad kusheegta ay wayaanuhu hogaaminayso ee lagu magacaabo itoobiya iyo kuwa u toloobay ee kasibqaday waxay dhaqan ulahaayeen oo dhan.

Waxaa lawada ogsoon yahay caalamka inay itoobiya falalkan argagixisnimada ah caado u leedahay; sababtuna ay tahay waa dawarsato wax heshay oo wax kale lagama filaynin. Waxaan iyana aad iyo aad ucanbaaraynaynaa kuwa iyaga utoloobay ee ka sii liita ee inala isirka ahaan jiray, waana kuwo caqliga iyo qalbigaba sabool ka ah. Haddayna itoobiya argagixiso ahaan layn waxay ilaalin lahayd shuruucda caalamka ee lagu kala hagmo. Argagixisadu sideedaba waxay leedahay waqti, isagiina wuu dhammaaday oo maal maa kuu hadhsan.
Codsi Dawladda Kenya Kusocda: Dawladda kenya waxaan kacodsanaynaa inay martideedii itoobiya kasoo ceshato iyadoo latiigsanaysa shuruucda adduunka illeen iyaduba mayna idinka yeesheen inaad martidooda kasoo qaadataan caasimadooda.
Eedayn Kusocota Caalamka Kale: Waxaan caalamka kale oo dhan ku eedaynayna inay shacabka dulman itoobiya isu daba taagaan ooy hub iyo lacagna kusiiyaan, idinkoo waliba aad iyo aad uga war haya dhibaatada lagu hayo shacabkaa dulman ee Somalida Ogaadeniya. Haddaan iska sheego dhibaatada lagu hayo qaarkeed kollayba maqli maysaane waxaa ka mid ah; isir tir,dil kufsi,xidhay,afduub,bara kicin,dhac,boob iyo jidh dil iyo waliba wax kastoo wax lagu ciqaabo. Waxaan idinka codsanaynaa inaad bad-baadisaan shacabka dulman oo aad iska daysaan waxba ma’aragnno,waxba mamaqalnno ,waxaan aragnana kama hadlaynno.
Talo Soojeedin: waxaan talo usoo jeedinayaa dhammaan shacabkeena inay hurdada ka kacaan ooy feejignaadaan iskuna duubmaan, gacmahana isqabsadaan ooy cadawgoodana hal meel uga soo wada jeed sadaa si eey guushuna ugu soo deg degto. Guud ahaanna shacabka soomaaliyeed iyana sidan oo kalaan kula talinaynaa.

Gaba gabadii : wayaanaw waxaan kusheegaynaa inaad dawlad noqotaan oo aad ilaalisaan shuruucda adduunka utaala, ogaadeeniyana kama leexinayso xornimo raadintooda laba nin oo laqabtay.

oohintuna idinkay idinku danbayn-dootaa, maxaa yeelaay culaaddii baad badsateen oo xaqaa idinka hiilin doona Inshaa Allah.

OGAADEENIYA HAXORAWDO ….. GUUL IYO GOBONIMO

Maamulka JAALIYADDA  Ogadenia ee JARMALKA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay