Sidaad wararkaanagii hore kula socoteenba waxaa wali qaarada Yurub kormeer kumaraya wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) Adm. Mahamed Omar Osman oo booqasho kuyimid dalka Denmark ayaa waxay kormeer ku samaynayeen jaaliyadaha Somalida Ogadenia ee kudhaqan wadamada Yurub, iyagoo isla mar ahaantaana shacabka Ogadenia lawadaagaya warbixinada iyo afkaarta kusaabsan Halganka Somalida Ogadeniya ay kuraadinayaan xuquuqdooda iyo aayo katalintooda.

Gudoomiyuhu wuxuu shir labaadhan layeeshay shalay ooy taariikhdu ahayd 2/2/2014 Xubnaha iyo Masuuliinta JWXO ee kahawlgala wadanka Denmark, iyadoo maalinkii kahoreeyay ooy taariikhdu ahayd 1/2/2014 shir heersare ah ay Jaaliyadu uqabatay dhamaan bulsha waynta Somaliyeed ee kudhaqan wadanka Denmark kuwaasoo aad usoo dhaweeyay kaqaybgalka kulankan ay madaxda JWXO daadihinayaan oo runtii aha mid siwanaagsan looga soowada qaybgalay. Waxaa kale oo xusid mudan in munaasabadii Sabtidii Copenhagen caasimada wadanka Denmark kadhacday ay taariikhda Halganka Ogadenya kagashay meel aan la,iska indho tiri karin iyadoo lagu daawaday filinkii Mudane Cabdullahi Xuseen uu xasuuqa Ogadenya kasoo diyaariyay kaasoo ahaa mid dhaqaajiyay damiirka qofkastoo daawaday filinkaas.

Booqashada Gudoomiyaha JWXO kumarayo qaarada Yurub ayaa waxaad moodaa inuu kusoo beegmay waqti xasaasi ah oo uu gumaysigu wayaanuhu kujiro marxalad aad uqalafsan oo dhanwalba saamaysay taasoo ay mooqato burburkii Wayaanaha in lagaadhay, shacabka Somalida Ogadenyana uu aad uxiisaynayo warbixinada kusaabsan guulaha JWXO iyo jabka Wayaanaha naf lacaariga ah soogaadhay iyo walibana wayaane kalkaalka uu gumaysigu uwakiishay gumaadka iyo dhibaataynta bulshada rayadka ah ee Ogadenya.

Gudoomiyaha JWXO oo ujeedadiisu iyo hadafkiisa oogu wayn ee kormeerkan uu ahaa gaadhsiinta xaalada halganka iyo marxaladaha kalagadisan ee maanta lagujiro inuu laqaybsado bulshada rayadka ah ee aadka ujecel ineey lasocdaan xaalada uu halgankoodu maanta marayo ayaa waxay ahayd fariinta uu Gudoomiyuhu xambaarsanaa oo meelo badan taabanaysay taasoo uu Gudoomiyuhu si xilkasnimo kudheehantahay oogu gudbiyay bulshada Somalida Ogadenia gaar ahaan xubnaha iyo masuuliinta heerarka kala duwan leh ee kahawlgala wadanka Denmark.

Waxaa kale oo uu Gudomiyuhu bogaadin iyo amaan balaadhan usoo jeediyay shacabka Somalida Ogadenia kaasoo uu kutilmaamay inuu yahay shacab geesi ah, kaasoo uu kutilmaamay dadaalka dheeriga ah uu hadiyo jeer oogu jiraan helida xaquuqdooda laduudsiyay ee gumaysiga TPLF tu hormuudka utahay ay kuhayaan ummadda Somalida Ogadenya ee Gumaysi diidka ah.

Warbixinada uu Gudoomiyuhu lawadaagay xubnaha Jaaliyada ayuu aad oogu dheeraaday kuwaasoo xasaasi ahaa ayaa runtii dhamaan hawlwadeenkii Jaaliyada ee madasha isugu yimid ay si wanaagsan oogu diirsadeen aadna oogu riyaaqeen sida hufan ee cilmiyaysan ee Gudoomiyuhu oogu soo bandhigay warbixinada gaarka ah ee kusaabsan xaalada Ogadenya iyo sidii loola jaan qaadi lahaa isbadallada kasocda guud ahaan Geeska Africa gaar ahaanwadanka Ogadenia.

Xubnaha madasha shirka fadhiyay oo ahaa kuwo ay farxad iyo shucuur aad uqiiro iyo xamaasad badan  kamuuqatay wajiyadooda kuna qanacsanaa lakulanka Gudoomiyaha JWXO ooy nasiib uyeesheen ineey fursadan qaaliga ah maanta kafaa,iidaystaan, sidoo kale Gudoomiyaha ayaa aad oogu amaanay inay yihiin Jaaliyada Denmark horyaalka Jaaliyaadka Ogadenia, lagana doonayo inay hawlahooda qiimaha badan eey halganka iyo shacabkooda uhayaan inay sii laba jibaaraan. Waxaa  su’aalo iyo fikrado aad ufara badan madasha laga weeydiiyay Gudoomiyaha oo dhamaan su’aalahii ooga wada jawaabay si wanaagsan ooy kuqanceen xubnaha Jaaliyada Denmark iyo Madaxda kale ee madasha kulankan joogtay.

Gunaanadkii iyo gabagabadii kulankan oo ahaa mid xasaasi ah aadna uqiima badnaa kaasoo waxyaabo  badan lagu lafaguray oo sihufan loowada xisaabtamay ayaa wuxuu kusoo gabagaboobay jawi farxadeed iyo rayn rayn ay kudheehantahay waxayna Gudoomiyaha iyo Hawlwadeenka Jaaliyada Denmark isku balansadeen balaadhinta iyo hirgalinta qorshaha udajisan ee lahigsanayo ineey hirgalaan sida oogu dhakhsaha badan Inshaa allah.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay