Jaaliyada  S/Ogadenia ee wadanka Sweden, Ururka Hooyooyinka Ogadenya, Ururka Midowga Dhalinyarada & Ardayda S/Ogadenia iyo dhamaan Ururada Bulshada noocyaheeda kala duwan ee dalka Sweden  ayaa waxay canbaarayn kulul  iyo baaq  kasoo saareen  falkii  fulaynimada  ahaa eey kukacday  xukuumada  naflacaariga  ah ee taliska Wayaanaha, taariikhda markii   ahayd 26/1/2014. Waxaa  bayaan ah oo uusan  caad  saarnayn, gumaysiga  gabalkiisa  siidhacayo  iyo gacan  yarayaashiisaba haatan  rafashada  ay rafanayaan in caalamka oo idil  dusha ka daawanayo, kadib markii ay fal fulay nimo kula kaceen masuuliyiintii  JWXO ee arimaha wada hadalka dalka Kenya ujoogay.

Arintaa  afduubka eey ku fuliyeen Naftiihure Sulub Abdi Ahmed iyo Naftiihure Ali Ahmed Hussien (Ali Dheere) maahan mid hakad iyo khalkhal galinaya halganka gobanimadoonka Somalida Ogadenya, sidoo kale maahan arin hada bilaabatay ama cusub, Ethiopia iyo gacan yara yaasheeduba waxay marar hore oo aad utira badan fuliyeen falal noocan oo kale ah ayadoo mabda’eedu markaa yahay siday hakad kugalin lahayd halganka xaqa ah ee lagu raadinayo xaqa shacabka dulman ee S/Ogadenia, balse mar walba ooy fuliyaan qorshayaasha noocan oo kale ee fulaynimada leh, shacabka geesiga ahi waxuu kasii qaadaa car car hor leh iyo ineey si xoogan usii colaad qaataan, halgankuna inuu kusii xoogaysto mooyee maaha mid marnaba ka hoos mara halkii uu marayay.

Si kastaba ha ahaatee xukuumada Ethiopia ee leh dhaqanka foosha xun, laguna tilmaami karin dawlad balse sheegashada dawladnimo eey sheeganayso ay tahay mid ah magac uyaal, ayaa waxay ku caan baxday falalka mooryaanimo, sida boobka, dhaca, kufsiga, afduubka iyo xasuuqa maatida & caruurta inta laga itaalka roonyahay, Ciidanka Ethiopia waxaa xaqiiqa ah inuu iska caabin waayay halyeeyada jiida hore ee JWXO, sidaa darteed awoodiisu waxay dhaafi wayday hadba inuu mid rufyaan ah yidhaahdo wax isoo afduub oo uu falalkan fulaynimo oo kale uu hadba ku kaco. Waxaa  xaqiiqa ah taliska TPLF iyo gacanyarayaasheeda halka ay islahaayeen khalkhal galiya halganka gobanima doonka  inay iyagu khalkhaleen, waxaa taasi daliil u ah hadalada  is burinaya eey warbaahinadooda beenta ku caanbaxay hadba kusoo dhoodhoobaan, sidoo kale war bixintii beenta ku salaysnayd ee uu VOA-da siiyay calooshiisa ushaqayste Cabdinuur Yare oo lawada garanayo shaqsiyad xumidiisa.

BAAQ: Jaaliyada  & laamaha ururadeeda kala duwan waxay baaq u dirayaan caalamka, hay’adaha xuquuqul insaanka ee ku xeel dheer arimaha aadamaha inay wax ka qabtaan falalka foosha xun ee bini’aadanimada kabaxsan eey had iyo jeer Ethiopia kula kacdo shacabka dulman ee S/Ogadenia. Sidoo  kale waxay baaq udiraysaa dhamaan shacabka geesiga ah ee heeryada gumaysiga diiday inay sii  laba jibaaraan halganka xaqa ah eey baadi goobka oogu jiraan helida sharafta & karaamadooda, Waa in lawada ogaadaa yar iyo wayn xornimo aanan jid qodxo iyo xanuun ka buuxaan aanan loomarin inaysan umadi helin, sidaa darteed soconmayso xornimana waan rabaa dhaawac inuu igaadhana ma rabo, waa arimaha ay kuriyoodaan taasi mooryaanta jigjiga uu Gumaysigu uwakiishay gumaadka iyo dhibaataynta shacabka Somalida Ogadenya ee uu hormuudka uyahay Cabdi daba dhilif (Cabdi Ileey).

DIGNIIN: Jaaliyad  & laamaha ururadeeda kala duwan waxay shacabka dulman ee S/Ogadenia uga digaysaa marnaba inaan lakala shaki galinin dhexdooda, inaysan been hawaaska gacan yarayaasha kaba qaadka gumaysiga u ah aysan run moodin hadalada meeriska ah ee inta loosoo aqriyay suuq geeya layidhi, shacabku waa inuu la colaatamaa kooxda ku naaxday dhiiga shacabka ee mooryaanta Jigjiga kahawlgasho, shacabka iyo hawl wadeenada JWXO waa inay fiiro dheer u lahaadaan isla mar ahaantaana dagaal dhaba udiyaar garoobaan, waxaanu wada ognahay markeey umadi halgan kujirto inay soo wajahayso marxalado qalafsan mid walibana mida kale ka xanuun badantahay, sidaa darteed maadaama xoriyada aanan raaxo iyo qaboow laguhelin waa in loo diyaar garoobaa in dhiiganagu badaha ku darsamaa kol hadii waxa loo dirirayaa ay tahay helida sharaf iyo karaamo, lana diidayo duli iyo gunnimo.

CAMBAARAYN: Jaaliyada  & laamaha ururadeeda kala duwan waxay cambaaraynayaan xukuumad isku sheega Wayaanaha ee  sida dhuumaalaysiga ee tuuganimada ah u ugaadhsata, waxaa haboon inay badheedhaheeda iyo dagaalkeeda latimaado fagaaraha iyo goobaha dagaalka hadii ay awood hayso, maahan maalin  walba inay   sidii jiridii luuq luuqa soo marto, sidoo kale inay sidii  oday  jirjiroolihee  kolba  midab  lahaato, Ethiopia arinka  kaliyee lagudboon waa inay ogolaadaa xoriyada Ogadenia oo ay iska  daysaa falalka asasinada kol hadii lagaga adkaaday fagaaraha iyo goobaha dagaalka ee jiida  hore.

BOGAADIN: Jaaliyadu & laamaha ururadeeda kala duwan waxay  bogaadinaysaa una hambalyaynaysaa  sida codkarnimada iyo kartida leh ee ay dhamaan jaaliyaadka S/Ogadenia uga gilgisheen falkii waxuush nimo ee lagula kacay masuuliyiinta sharafta  leh ee JWXO, waxay kaloo bogaadinaysaa sida geesinimada leh ee looga wada colaad qaatay waxaana rajaynaynaa inay sii laba jibaarmi doonto dadaalka loogu jiro helida xaqa umada ilaa laga gaaro xoriyad taam ah in shaa allaah. Isku  soo wada  duuduuboo  go’aankeenu  waa Mintid Midnimo Isku Tashi  Guul  Allaahu-Akbar.

Ilwaad Ali/ ONA

Sweden.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay