Oslo: Gudoomiyaha Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) Admiraal Maxamed Cumar Cusmaan oo booqasho hawleed kumarayay wadamada Yurub ayaa goor dhaweyd khudbad meelo badan taabanaysa kajeediyay, kulan uu laqaatay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada wadanka Norway ee Oslo iyo nawaaxigeeda oo ka dhacay hoolka shirarka  ee Ankar Hotel. Sida aan idiin ballan qaadnay, waxaan hoos idinku soo diyaarinnay qodobadii oogu muhiimsanaa ee khudbadda gudoomiyahu tibaaxday, oo goordhaweyd  uu soo gabagabeeyay.

Hordhac: Dulmar kooban oo ku saabsan xaalada bini’aadnimo eey kusuganyihiin shacabka Ogaadenya ee dhibaatada gumeysiga Itoobiya kuhabsadeen kadib, gudoomiyaha Jabhadda JWXO ayaa cambaareeyay falkii fulaynimada ahaa ee dhawaan magaalada Nairobi caasimada wadanka Kenya lagaga afduubay ergedii uga qaybgalay wadahadaladii udhaxeeyay Jabhadda  JWXO iyo Gumaysiga Itoobiya oon xeerinin qawaaninta iyo shuruucda caalamka udajisan. Isagoo mawduucan kahadlayana wuxuu yidhi Gudoomiyaha JWXO sidan:-”Afduubka xubnahayaga waa mid xoojinaya ka midho dhalinta halganka iyo oofinta ballantii aan lagalnay naftood hurayaashii ushahiiday halganka Ogaadenya”- ayuu ku nuuxnuuxsaday Gudomiyuhu oo hoosta kaxariiqay sidaysan marnaba afduubka iyo qafaalashada Jabhadda Woyaanuhu ujoojinayn rabitaanka iyo doonista (iraaddada) Shacabka Somalida  Ogaadenya intuu ruux kanoolyahay.

Gudomiyaha ayaa sheegay inaysan umuuqan kooxda hadda joogta (Jabhadda TPLF), ineey yihiin kuwo go’aan qaadan kara oo kartideeda iyo awoodeeda leh. Wuxuu  ku eedeeyay taliska Itoobiya, fashilinta wada hadalladii burburay iyo afduubkii qaawanaa ee loo gaystay xubnihii Jabhadda umatalayay wada hadaladii Kenya.

”Ninka afduubka gaystay oo ah ’Jeneral Abraha Walde’ oo utaliya ciidamada maxaysatada ah ee Ogadenya dulmiga kujooga wuxuu tusaale fiican uyahay kooxaysiga, is-xulufaysiga iyo burburka baahsan ee kadhexjira askarta iyo taliska Woyaanaha oo umuuqda inuu yahay mid gabbal-dhacsaday oo wakhtigisii dhamaatay”, ayuu kudaray gudomiyaha JWXO oo mar labaad carrabka ku adkeeyay sideey ooga go’antahay kamidho-dhalinta halganka xaqa ah ee loogu jiro xoraynta Ogaadenya intuu doono haqaatee.

Gudoomiyaha ayaa ka kawarbixiyay sooyaalka iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray halganka shacabiga Somalida Ogadenya isagoo yidhi: ” Itoobiya marwalba dhulka Ogaadeenya waxay ku fulisaa waxa layidhaahdo xukunka degdeg ah (martial law), tan iyo markii askarta gumaystuhu cagaha soodhigeen carrada Ogaadenya.. Waa laga yaabaa hab-dhaqanka askarta joogta Ogaadenya inuu kala duwanyahay ama midd kululyahay ama dabacsanyahay, laakiin marnaba isma badalin xeerkii military ee loodajiyay in lagu maamulo dhulka Somalida Ogadenya tan iyo Xayle Silaase…”

Gudoomiyaha ayaa bulshada madasha kulankan usheegay marnaba inaysan dheg-jalaq usiinin borobagaanddada raqiiska ah ee gumeystuhu faafinayo, isagoo sharxaya sababta dhabta ah eey kaleedahay dacaayadaha liita wuxuu yidhi; ”Kaartooyinka gumeystuhu dhigayo ma ahan mid khusaysa dadkeenna oo kaliya ee waa mid sidoo kale khusaysa oo taabanaysa dhamaan dhulka aan dariskanahay ee Soomaaliya iyo dadkiisa oo runtii badidooda lagala dirirayo madaxa kor ineey uqaadaan.. iyagoo labaday dullinimo iyo karaamo beel ay sababtay faragelinta joogtada ah ee Itoobiya kuhaysto wadanka Somaliya”

Khudbadda Gudoomiyaha oo ahayd mid aad dadku ula dhaceen, islamarkaasna taabanaysa meelo badan ayuu gudoomiyuhu sheegay inaysan jirin wax hor istaagi kara halganka Ogaadenya ciddeey doonto ha ahaatee. Wuxuuna markale sharxay ujeedooyinka halganka ineey kamid yihiin; in dhamaan bulshada Somalida Ogaadenya meelwalbooy joogaan wada gaadho halganku, islamarkaasna laga sinnaado adeegsiga halku dhegga halganka Ogaadenya.

Hadii alle idmo waxaan idiin soogalin doonaa goordhaw khudbadda Gudomiyaha  oo  maqal iyo muuqaal ah iyo waraysiyo xiiso leh ooy kamidyihiin filinkii uu waday Mudane. Cabdullaahi Xuseen oo dadweynuhu ku daawadeen maanta magaalada Oslo caasimada wadanka Norway.

 

Haka fogaanin ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay