Waxaa maanta lagu qabtay wadanka Norway magalada Oslo  shir aad loo soo agaasimay oo  Godomiyaha  Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadenia  mudane Adm Mahamed Cumar Cusman  uu la qaatay xubnaha jaaliyadda ee ku dhaqan wadankaasi .

Ugu horayn waxaa shirka furay xoghayaha jaaliyadda Norway mudane Axmed Afjar oo halkaasi ka aqriyay ajandaha shirka . Kadib ayaa waxaa la wareegay shirka  godoomiyaha  jaaliyadda  mudane  Abdishakuur  Xaaji   shirka ayaa lagu furay   aayado qur,an ah  kadibna heesta calanka ogadenia .

Abdi shakuur waxuu ka sheekeeyay  wax qabadkii jaaliyadda Norway  faracyada  iyo hayada kala duwan  ee ay jaaliyaddu  la shaqayso. War bixin dheer oo meelo badan tabanaysa ka dib ayaa waxaa si aad u diiran hadalka loogu soo dhaweeyay gudoomiyaha jabhadda wadaniga xoraynta ogadenia mudane Adm Mahamed Cumar Cusman. Gudoomiyaha ayaa ugu horayn u  mahad celiyay  ka soo qaybgalayaasha shirka  iyo sida loo soo agaasimay  kulanka .

 Gudoomiyuhu ayaa xubnaha  siiyay warbin dheer oo  tabanaysa dhinacyo badan iyo heerka uu maanta halganku  marayo.  Kadib ayuu gudoomiyuhu u soo dhadhacay in uu la dardarmo xubnaha iyo maamulka jaaliyadda  sidii loo sii  dar dar galinlahaa  halganka xaqaha  iyo in la ilaaliyo  midnimada  isaga oo tilmamay  dhibatada ka imaan karta hadii  wadashaqayntu ka leexato jidkii loogu tala galay  .

Warbixintii gudoomiyaha ka dib waxaa  loo sii gudbay  qodob kale  oo ah dood furan iyo  su´aalo lagu waydiinayey gudoomiyaha  jwxo  halkaas oo ay xubnuhu si qalbi furan u waydiiyeen  sualaha ay qabeen  iyo talobixino aad u mihiim ahaa  xubnaha  isla markaasna uu  gudomiyuhu  ka  bixiyay jawaab faahfaahsan dhaman suaalihii la waydiiyay.

Gudoomiyaha   wuxuu sidoo kale qortay talo biximihii xubnaha isaga oo balan qaday in uu  ku dadaali doono wax kasta oo uu halganka  ku samaynayo hormar.

Guntii iyo gabagabadii shirka ayaa lagu soo xidhay jawi farxadeed oo aad u dagan .

Deeq/Oslo Norway.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay