Jaaliyada S/Ogaadeeniya ee magaalada Edmonton ayaa waxay isugu yimaadeen shir muhiim ah kaas oo ay si kulul ugu cambaareeyeen falkii fulaynimada ahaa ee ay ku kacday xukuumada wayaanuhu taariikhdu markay 26/jan2014 kaasoo ay ugu gaysteen afduub naftii hure Sulub  Cabdi Axmed iyo naftii hure Cali Axmed Xuseen(cali dheere) oo ahaa masuuliyiintii JWXO ee arimaha wadahadalka u joogay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa shirka ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Jwxo iyo isuduwaha jaaliyadaha Canada mudane Yusuf ismaaciil oo hadal kooban halkaa ka soo jeediyey.

Waxay isku wada raaceen in  halganka ogaadeeniya uuna marna sidan ku joogsanaynin ee ay diyaar u yihiin in ay u huraan naf iyo maal meel iyo goob walba ay joogaan una aaraan shahiidadii ay la balameen.

Waxayna balan qaadeen in ay sii laba laabi doonaan halgankooda ay  ugu jiraan in ay maxaysatada  gumaystaha ka kor qaadaan shacbiweynaha ogaadeeniya ee dulman,dhiiga halgamaagana waxaa ku baxa geedka xoriyada ayey hal hays u soo qaateen.

Wuxuuna ku soo dhamaaday shirkaasi isagoo xubin walbaa diyaar u yahay in uu u dhinto xoriyada ogaadeeniya.

Jaaliyada Edmonton
Canada

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay