Gudiga Qaxootiga Ogaadeeniya ee dalka Kenya ayaa maanta 11 Feb 2014 shir jaraa’id ku qabtey  hall -wayn oo ku yaala badhtamaha xaafada ay soomaalidu ubadan tahay ee Islii ee magaalada Nairobi.

Shikan jaraa’id oo ay kasoo qayb galeen inta badan warbaahinta dalka Kenya iyo kuwa Soomaaliyeed ee xarumaha ku leh Nairobi ayaa waxaa lagaga halday dhibaatada qaxootiga Ogaadeeniya ku haysata dalka Kenya.

Gudoomiyaha gudiga qaxootiga Ogaadeeniya ee kanya mudane Axmed Faarax Maxamuud oo ka halday shirka jaraa’id ayaa waxa uu ka soo sheekeeyey  dhibaatooyin taxane ah oo ay sirdoonka Ethiopia ka fuliyeen dalka kenay dhibaatooyinkaasi oo lagu bartilmaameedsaday muwaadiniin udhalatay Ogaadeeniya oo qaxooti ku ah dalka Kenya.

Mudane Axmed faarax ayaa sheegay in kenya ay tahay wadankii ugu horeeyey ee magangalyo siiya qaxootiga Ogaadeniya loogana fadhiyo magan galyadaasi oo ay Ethiopia carqaladaynayo  sidii ay u dhowri lahayd.

Shirka jaraa’id ayaa waxaa lagaga hadlay shacbi reer Ogaadeeniya ah oo ay sirdoonka Ethiopia ku dileen gudaha dalka Kenya qaarna ay ka afduubteen, halka qaarkalane lafashiliyey isku day lagu doonayey in lagu khaarajiyo. Sigaar ah waxaa shirka jaraa’id farta loogu fiiqay looguna cambaareeyey falkii fulaynimada ahaa ee ay sirdoonka Ethiopia oo kaashanya saraakiil Kenyan ah ku afduubteen masuuliyiin kamid ah JWXO oo u joogay Kenya wadahadaladii u dhexeeyey Ethiopia iyo ONLF.

Shirkan jaraa’id markii uu dhamaaday waxaa saxaafada looqaybiyey bayaan uu soo saaray gudiga xaqootiga Ogaadeeniya ee Kenya (ORC)

Nuqul kamid ah bayaankaasi oo soogaadhay wakaalada wararka Ogaadeeniya halkan ka daalaco.

Ogaden Refugees’ Sanctuary Under Aggression

Muuqlka shirka jaraa’id saacadaha soosocda waxaad ka daawan karaysaa Ilays Tv.

ONA

Nairobi, Kenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay