Duuliyihii 4aad oo ka soo baxsada ciidamada Itobiya ayaa ku soo biiray mucaaradka ka dagaalama Waqooyiga Itobiya. Duuliye Gaashaanle Daniel Yeshiwase oo ka tirsanaa duuliyeyaasha dagaalka Firqada L-39, wuxuu sheegay inuu u adkaysan waayay qabyaaladda iyo is-faqooqa ka socda ciidanka dhexdiisa oo Wayaanaha ay ku tumanayaan xuquuqda ciidanka.

Wuxuu sheegay in laga shakiyay oo muddo la dabasocday ugu dambayntii uu helay fursad uu ku soo baxsado suu ugu biiro jabhada hubaysan ee Ethiopian Patriots Front.

Jabhaddan iyo ciidanka Ginbot7 ee hubaysan ayaa dagaalo kulul ka bilaabay gobolada waqooyi ee Itobiya, halkaasoo ay dagaalo ka dhex socdaan iyaga iyo ciidanka Wayaanaha.

Baxsadka duuliyayaasha ciidanka oo sii kordhaya ayaa tilmaan fiican u ah heerka uu gaadhay mooraalka ciidamada Itobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay