Ku: Shacabka  aan Walaalaha Nahay ee Degmada Guriceel
Ku: Siyaasiinta iyo Aqoonyahanka Degmada Guriceel
Ku: Madaxda Dhaqanka iyo Cuqaasha  Degmada Guriceel
Og:Dowlada Faderalka ee Soomaaliya
Og: Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya
Og:Shacabka Soomaaliyeed Guud ahaan
Ujeedo: Canbaareyn falkii arxandarada ahaa eey kukaceen kooxda Sunna Bi’iska (Ahli Sunna Wal Jamaaca) ah kabaqaadkana unoqday  gumaysiga Xabashida kana mushtaraya dhiiga wadaniyiinta Soomaalida Ogadeniya ee Gumaysiga Tigreegu madaxa kayahay.
Walaalayaal: Shacabka Soomaalida Ogadenya wuxuu kujiraa halgan xaq ah wuxuuna u’dirirayaa siduu iskaga tuuri lahaa heeryada Gumaysiga Xabashida (abasinia) Tigrey iyo Amxaaro, laga soo bilaabo 1943 oo ahayd markii la aas aasay ururkii Gobanimo doonka ahaa ee SYL ooy magaalada Jigjiga ee wadanka Ogadenya saldhiga u’ahayd tan iyo markay taariikhdu ahayd 1964 ooy halgan hogaaminaysay jabhadii OLF (Ogaden Liberation Front) iyo 1977 ooy hogaaminaysay jabhadii WSLF (Western Somali Liberation Front) ilaa maanta ooy halganka hogaaminayso Jabhada ONLF (Ogaden National Liberation Front) ummada Soomaaliyeed badankeedu waxay ahaayeen kuwo lagarab taagan  hiil iyo hoo intaba, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed iyo beelaha dega dagaanada Guriceel, ama Galgaduud.
Beelahaasi waxay caan ku ahaayeen Soomaalinimo iyo Gumaysi nacayb laakiin, markay taariikhdu ahayd 7-2-2014 waxaa degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadhacay arin argagax iyo naxdin ku’ abuurtay shakhsi kastoo wadani Soomaaliyeed ah, kadib markii kooxda Sunne iyo Qur’aan toona aan fahmin ee isku magacawda Sunna Waljamaaca, ee maamusha degmada guriceel ay si dadnimada iyo damiirka Soomaalinimaduba diidayo uga iibsadeen sadex muwaadin oo katirsan mujaahidiinta Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO) oo ah mid kuhawlan difaaca qaranka iyo ummada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana, xoreynta wadanka Soomaalida Ogadenya.
Mujaahidiintaas ay maamulkusheega Sunne bi’iska Guriceel, tigreyga ka’ iibsadeen waxaa kamid ahaa mujaahid Sh.Muxumed Anni, oo xanuun iyo arimo caafimaad awgeed uyimid Soomaaliya iyo laba mujaahid oo kale oo isaga caawinayay. Waxaa xusid mudan ineeyna dhici waligeed intaan garanayno wax dhibaata ah oo kala gaadhay shacabka Soomaalida Ogadenya ee gobanimo doonka ah iyo shacabka dagaanada Guriceel, managaran karro waxa kukalifay eey u’galayaan horjoogayaasha guriceel dakanada sidaas u’wayn eey kagalayaan shacab Soomaaliyeed oo walaalahood ah  oo aan waxba yeelin, waxwalbana eey wadaagaan, eey oogu hiilinayaan gumaysiga xabashida eeyna waxba wadaagin.
Ugudanbayn, waxay Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee wadanka Denmark oogu baaqaysaa dhamaan inta damiirkaleh gaar ahaan aqoonyahanka, siyaasiinta, madaxda dhaqanka iyo waxgaradka dagaanada Guriceel, ineey kahadlaan ooy canbaareeyaan dhacdadaas fooshaxun eey sameeyeen kooxdaas kabaqaadka u’ah gumaysiga xabashida ee uu horjoogaha uyahay mujrimka layiraahdo Taarlugeed,  hadii kale waxaa looqaadanayaa in aamuskoodu yahay ineey heshiis kuyihiin dhamaan dadka reer Guriceel, kaganacsiga iyo kadulmacaashkaa dhiiga mujaahidiinta shacabka Soomaalida Ogadenya. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa libaax nin ganay iyo nin galadayba og.
Mintid,midnimo, iskutashi allaahu akbar,guusha gobanimo doonkaa leh.
Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee Denmark
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay