Wararkii ugu dambeeyay ee nagasoo gaadhay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa si faahfaahsan naloogu soo gudbiyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ciidamada gumaysiga lagu naafeeyay. Dagaaladaa oo meela kala duwan ka socda ayaa cadawga loogu gaystay khsaare naf iyo maalba leh. Waxayna u dhaceen sidan.

20/1/14 Jeerincas oo Daratoole katirsan dagaal ku dhexmaray CWXO iyo kuwa cadawga waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari 1 kalana waa laga dhaawacay.

2/2/14 Tuulawacdi oo Wardheer katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 5 askari tiro aan laxaqiijininna waa lagaga dhaawacay.

5/2/14 Galaadi oo Wardheer katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagugaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

8/2/14 Kudunbuur oo Qabridahare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay inta lahubo 1 askari.

4/2/14 Golmidhood oo Galadiid katirsan dagaal kudhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 1 askari tiro aan lahubina waa lagaga dhaawacay.
Isla 4/2/14 Golmidhood oo Galadiid katirsan weerar gaadma ah oo ay CWXO kuqaadeen ciidamada cadawga waxay kugaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

8/2/14 Waata oo dagmada Xamaro katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 7 askari 10 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/2/14 Dig oo Awaare katirsan waxaa iskudhacay 2 gaadhi oo ay wateen ciidamada cadawgu waxaana goobta kaga bakhtiyay ciidan aad utiro badan.

Dhanka kale 14/2/14 Kudunbuur oo Qabridahare katirsan waxaa isku laayay 2 ciidan oo kuwa cadawga ah waxayna iskadileen 5 askari 3 kalana way iska dhaawaceen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay