Maalintii Sabtida  ahayd February 15, 2014, Waxay jaliyadaha Ogadenya ee qarada Waqooyiga America isugu  yimaden shir khadka Telefonka ah. Shirka oo ay ka soo qaybgaleen xubna ad u badan iyo madaxda ururka JWXO qaar kamid ah ayaa waxaa shirkan martisharaf ka  ahaa  Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cusman.

Shirkan oo ay Hogminayen wakiilada Jaliyadaha Ogadenya ee qaradani W/America ayaa waxaa  looga gol lahaa in xubnaha jaaliyadaha xogta halganka lagu siiyo isla mar  ahaantana wixii howl shaqo halgan ahna lagu qaybsado. Xubno ka midah golaha dhexe ee JWXO ayaa waxaa ay halkaasi ka soo jeediyeen khudbado dhaxal gal ah oo isugu jira wacdi diini ah, Sooyalka Tariikhda Halganka Ogadenya,  warbixinada Jaliyadaha Ogadenya ee qarada W/America. Waxaa xusid mudan khudbad  diini ah oo uu soo Jeediyay Mudane Sh. Maxamed Rashiid oo runtii dhinacyabadan  tabanaysay saamayn wayna ku yeelatay xubnihii nasiibka uyeshay inay dhagaystan.

Dhanka kale  Waxaa khudbad wafi ah halkasi ka soo jeediyaya Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed  Cumar Cusman. Khudbada Gudomiyaha oo dhinacyabadan tabanaysay ayaa waxaa uu  kaga warbixiyay Xalada dhabtaha ee ku sugan yihiin shacabka Ogadenya, Habsami u  socodka halganka, dhibatada uu gumaystuhu ku hayo shacabka Ogadenya iyo waliba  samaynta uu gumaysigu ku reebay dadka soomaliyeed ee kunool Jamhuriyada  Somaliya.

Mar uu  gudoomiyihu sawir ka bixinayay habsami u socodka Halganka Ogadenya iyo mesha uu  marayo halganku ayaa waxaa uu gudoomiyuhu tilmamay inu halganku si wanagsan u  socdo oo ah sidii loo qorsheeyay, dhanka kalana waxaa uu cadeeyay gudomiyuhu in  Halgamayasha JWXO ee hubka u hensaystay xoriyada Ogadeya ay wajibaadkooda si  hufan ugutan oo ay gumaysiga halbowlayashiisii  wiqeen. Waxaa kale oo uu gudomiyuhu cadeeyay
in markii ay geesiyada JWXO ka adkadeen gumaysiga awrkiralayashiisii in uu  gumaysigu goansaday inuu shacabka Ogadenya ku dhaqan inuu gumaado. Waxaase uu  Gudomiyuhu raaciyay inaya shacabka Ogadenya ay qateen goan ah inay ama  geriyoodan amay ay guusha hantaan Insha ALLAH balse aan looga fadhiyin shacabka  Ogadenya inay gumaysiga u hogansaman.

Warbixin  dheer kadib, gudoomiyuhu wuxuu kula dardaarmay xubnihii shirkan ka soo qayb  galay inay labanlaaban dadalkooda kuwajahan halganka si loo xaqiijiyo yoolka  halganka xoriyad doonka ah ee Ogadenya loogujiro.

Shirkan oo  ahaa mid si wayn loo soo agaasimaya waxaa lagu soo gunaanaday suaalo  lawaydiiyay gudomiyaha oo su ssabsanaa arimaha halganka Ogadenya. Waxuu shirku ku soo dhamaday jawi aad u qurxoon.

 

ONA,

W/America.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay