Waxaa magaaladaTorontolagu qabtay Sabtidii shir aad u balaadhan oo  looga hadlayey Maalinta Xasuuqii Ogaadeeniya  oo ku beegan bisha Feberaayo kaasoo lagu qabto dhamaan wadamada ay ka hawlgalaan jaaliyadaha ogaadeeniya.

Waxaa shirka furay gudoomiyaha jaaliyada magaalada Torontomudane Maxamed Qamaan (tube) isagoo ka warbixiyey dhibaatada gumaysiga Itobiya uu ku hayo shacbiga  Soomaalida Ogaadeeniya. Tacadiyada uu gumaysiga ku hayo shacabka waxay isugu jiraan jidhdil, kufsi, dil, xadhig arxan daro ah iyo isagoo kala dagaalama nolosha kuna khasba in ay qaxaan ama ku noolaadaan nolol cabsi ah taasoo gumaysiga u fuliyaan calooshood u shaqaystayaal ku hadla afsoomaali oo loo yaqaan Hawaarin.

Waxaa cashir diini ah halkaa kasoo jeediyey sheekh  C/shaafi oo aad uga hadlay qofka muslimka ah ee gaalada la saftaa in uu la mid yahay wuxuuna aad ugu nasteexeeyey in aanay umada soomaaliyeed sidaas ku sifoobin ee ay Ilaahooda u noqdaan talona saartaan aanayna ka qayb qaadan xasuuqa ka socda dhulka soomaaliyeed ee ay ethoipia gumaysato.

Waxaa khadka taleefanka lagu soo xidhay isuduwaha jaaliyadaha  mudane Yuusuf Ismaaciil  oo halkaa ka soo jeediyey hadal  aad u qiimo badan wuxuuna yidhi;  maanta waa maalin murugo leh aadna ugu weyn shacbiga soomaalida Ogaadeeniya mudanna in la xasuusto dhibaatada shacbiga Ogaadeeniya loo gaystay waligeedna aan la iloobin. Waxaa kale oo khadka soo galay mudane Maxamed rashiid oo ah xubin sare oo kamid JWXO kuna nool dalka Maraykanka. Wuxuu halkaa ka soo jeediyey hadal kooban oo dhinacyo badan badan taabanayey.

Waxaa halkaa lagu soo bandhigay dukumentiyo muuqaal ah oo ka  turjumayey dhibaatada loo gaystay shacbiga birimagaydada ah oo dadkii daawanaayey muqaaladaa ay la jeesteen murugo dadka qaarna way fiirsan kari waayeen, runtiina waxay ahaayeen wax laga muraara dilaaco xasuuqa iyo dhibaatada lagu hayo shacbiga dulman ee soomaalida Ogaadeeniya.

Waxaa kaloo lagu soo dhaweeye mikrafoonka hooyada halganka jaaliyadaha Canada Qasad maxamed waxay halkaa ka soo jeedisay hadal xusuus kugu reebaya oo ka  hadlaya dhibaatada iyo xasuuqa baahsan ee loo gaysanyo shacbiga Soomaalida Ogaadeeniya  iyadoo si gaar ah uga hadashay haweenka kufsiga lagu hayo iyo faraxumaynta  taas oo ay u gaystaan gumaysiga Itobiya iyagoo kaashanaya  damiirlaawayaasha hawaarinta, waxaana la inooga baahan yahay bay tidhi marwo Qasad Maxamad in aynu dadaal dheeri ah la nimaadno si aan uga baxno dhibaatada ina haysata waa in aynu si hagar la’aan ah u taageerno xaqlayaasha gudaha ku jira ee Jwxo ayey ku soo gabo gabaysay.

Gabagabdii waxaa halkaa lagu cambaareeyey dawlada ethoipia xasuuqa balaadhan ee ay ka wado dhulka ogaadeeniya in ay joojiso iyo in loo gudbiyo caalamka tacadiyadaa ay ka gaysato dhulka ogaadeeniya.

Toronto/ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay