Waxaa taariikhdu markay ahayd 02-15-2014 magaalada Minneapolis Ee gobolka MinneasotaUSA, ka qabsoomay shirkii billaha ahaa ee ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya OYSU Minneasota.

Shirkan oo ahaa shirkii 2aad ee sanadkan cusub la qabto ayaa waxaa lagu furay Aayado qur’aan ah oo uu akhriyay sheikh abdinasir carab oo ah madaxa xidhiidhka ajanabiga ee ururka oysu heer gobol.

Gudoomiyaha ururka OYSU/MN Mudane Mohamed Jowhar oo shir gudoominayay ayaa hadalka siiyay Gudoomiyaha Guud ee jaaliyada Gobolka Minneasota kaasoo halkaa ka akhriyay warbixin meelo badan taabatay oo gudo iyo dibadba uu sharaxaad dheer ka bixiyay xaalada halganku maanta marayo iyo doorka dhalinyarada oysu looga baahanyahay. Isagoo aad ugu dheeraaday in maanta ay muhiimtahay in dhalinta reer ogadenia meel ay joogaanba gacmaha isqabsadaan cadawgoodana umidoobaan.

Intaa kadib waxaa warbixintii ururka OYSU/MN ka warbixiyay Gud. Jowhar oo marka hore akhriyay agandeha shirka, islamarkaana dulmar ku sameeyay waxyaabihii uqabsoomay intii labada shir udhaxaysay, isagoo sheegay in billoowgii sanadkan cusuba ay billaabeen fullinta qorshayaashii guud ee ururka oysu iyadoo bishan khaas ahaan xooga la saarayay xusida maalinta xasuuqa ogadenia oo maalin qaran ah.

Mudanuhu wuxuu sheegay gobol ahaan in ay maalin dhaw jaamacadaha ugu waawayn gobolkan Minneasota ay ku soo badhigidoonaan xasuuqii ummada reer ogadenia wayaanuhu u gaystay oo ay filayaan in dad siyaasiyiin maraykan ah oo can ah ay ka soo qayb-galidoonaan isla markaana indhahooda ku arki doonaan xaqiiqada dhabtaha ee ogadenia ka jira. waxaa kaloo uu ka warbixyay qorshayaal kale oo iygana la qaban doono bisha danbe ee March 2014 hadii Alle Idmo iyo kuwii qabasoomay bishii hore January 2014.

Waxaa intaa kadib codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Halganto Xamda Gurxan oo kamid ah gudiga fullinta Heer Qaran ah Xoghaynta Guud Ee ururka Oysu.

Marwo Xamda oo dhawaan ka timid xarunta dalka masar ee qaahirra ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantay in ay shirka ka soo qayb-gasho, Hada kadibna ay si rasmi ah ujoogi doonto gobolkan minneasota oo ay ka hawl galidoonto taas oo xubnuhu aad ugu riyaaqeen ayna aad ugu farxeen in qof hawl-karnimo iyo dadaal ku amaanan gobolkooda yimaado, marwo xamda ayaa xog meelo badan taabanaysa la wadaagtay ururka, una sheegtay maanta meeshii aad aduunka ka tagtaanba in ay jiraan xubno walaalihiin ah oo Oysu ah oo idinku soo dhawaynaya oo ka shaqayna, taas oo muujinaysa hormarka ka dhalinyaro ahaan aan samaynayno heer caalami.

Waxaa kaloo shirkan lagu yeeshay dood caafimaad qabta oo xubnaha iyo maamulka gobolka dhax martay.

Waxaa kaloo shirkan lagu canbaareeyay falalka waxuushnimo ee wayaanuhu ku xasuuqayo shacabka somalida ogadenia kuwa uu ku afduubayo Madaxda JWXO Iyo  dhamaan gabood falada arxan darada ah ee wadanka ogadenia ku hayo.

Ugu danbayntii waxaa la isla qaatay in abaabulka la sii toban jibaaro, loogana digo shacabka dabinada iyo shiqoolka uu cadawgu shacabka somalida ogadenia iyokanjamhuuriyada somaliyaba  ku indho saraaxaadinayo.

Shirkan ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay