Gudoomiye Ku-xigeenka JWXO ahna Gudoomiyaha HAAU ayaa u furay Xubno ka mid ah Jaaliyadaha W/Amerika Siminaar ay ku qaadanayaan culuun kala geddisan oo ku wajahan horumarinta aqoonta iyo tayada hawlwadeenada Jaaliyadaha.

Siminaarka ayaa loo qorsheeyay in lagu abuuro Kaadir si karti iyo hufnaan leh u guta hawlihiisa la xidhiidhi hirgelinta Jaaliyadaha iyo halganka xaqa ah ee shacabka dulman ee Ogaadenya ku gaadhi llahaa ayaa ka tashigiisa.

Wuxuu noo sheegay wariyaha goobta inuu Siminaarka socon doono muddo aan ka yareyn  2 bilood ah.

Waxaa Siminaarka lagu qaadan doonaa Machadka Xodayo ( Institutef of Hodayo), halkaasoo dad aqoon fiican u leh arimaha maamulka, abaabulka iyo arimaha siyaasadda ay ka bixin doonaan cashiro.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay