Diyaarad laga leeyahay Itobiya oo ka timid Adisababa una socotay Roma ayaa laga dajiyay Jeneva caasimadda Swiss. Gegada dayaaradaha ee Jeneva oo mudo gaaban la xidhay ayaa hadda la furay ka dib markuu is-dhiibay kaaliyihii duuliyaha ee dayaaradda ku soo dajiyay halkaa. Dayaaradda oo ahayd nooca Boeing 767-300 ayaa iyadoon la ogayn ku soo dagtay gigada dayaaradaha ee Jeneva, halkaasoo uu Duuliye-Klakaalkii uu codsaday in lasiiyo magangalyo siyaasadeed.

Dayaaradda ayaa waday 200 oo qof oo rakaab ah oo dhamaantood iyagoo caafimaadqaba ka soo dagay dayaaradda, ka dib markuu is-dhiibay duuliyihii soo afduubay. Waxay wararka intaa ku darayaan inuu sugay Duuliye-kalkaalaha (Co-Pilot) intuu duuliyaha ka galayo musqasha, kolkaasuu uu hoosta ka soo xidhay dayaaradii una jaheeyay kobtuu doonayay oo ahayd Jeneva.

Wixii soo kordha iyo arintan waxa ay muujinayso siyaasiyan warbixinada dambe ayaan ku soo qaadan doonaa.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay