Jaaliyadda Ogadenya ee Denmark ayaa maanta 17-07-2011 isugu timid shir warbixineed oo ay gudoomiyaha jaaliyada Mudane xasan macalin iyo Dr.Ducaale kaga warbixinayeen shirweynihii jaaliyada Ogadenya ee ka dhacay Australia oo ay matalayeen shacabweynaha Ogadenya ee ku nool wadanka Denmark.

Shirkan warbixineed oo ka dhacay xarunta jaaliyada ee magaalada Copenhagen ayaa waxaa kasoo qayb galay xubnaha iyo taageerayaasha jaaliyada ee Copenhagen iyo nawaaxigeeda oo isugu jira Ogadenya iyo jamhuuriyada Soomaaliyaba,waxayna Gudoomiyaha jaaliyadu iyo Dr.Ducaale kasoo jeediyeen shirkaas warbixino waafi ah oo ku qotamay qaabkii uu shirweynihii jaaliyadaha uga dhacay magaalada Melbourne ee wadanka Australia.

Ka soo qaybgalka shirkan ayaa ka duwanaa shirarkii hore iyadoo kasooqayb galayaashu ay aad u xiisaynayeen warbixinaha qaarada Australia iyo sida uu shirku uga dhacay meel ka baxsan meelihii markii hore looga bartay oo u badnaa qaarada yurub,gudoomiyaha jaaliyada Denmark mudane Xassan Macalin oo shirka jaaliyada u matalayay wadanka Denmark ayaa safaro dhaadheer ku kala bixiyey gobolada iyo magaalooyinka Australia si uu wax badan uga ogaado qaabka ay u shaqeeyaan jaaliyadaha ogadenya ee wadankaasi,wuxuuna la socday wafti uu hogaaminayay gudoomiyada ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan ,gudoomiyaha jaaliyada Denmark ayaa taageerayaasha iyo xubnaha jaaliyada Denmark uga faaiideeyey qaabshaqeedka jaaliyadahaas,halka uu ku biiriyey jaaliyadahaasna wixii khibrad ah ee ay jaaliyada uu gudomiyaha ka yahay la dheerayd jaaliyadahaasi.

Shirweynahii jaaliyadaha Ogadenya ee wadanka Australia ayay kasoo qayb galeen dhammaan jaaliyadaha Ogadenya ee dacalada aduunka,waxayna kasoow ada jeediyeyyn warbixino ku qotomay waxqabadkoodii horumar iyo caqabadaha ka hor yimid ee xalka iyo dadaalka dheeriga ah u baahan,gudoomiyaha jaaliyada Ogadenya ee Denmark ayaa shirkaas kasoo jeediyey warbixintii wax qabad ee jaaliyada.

Dhanka kale shirkan ay jaaliyadu maanta isugu timid magaalada Copenhagen ayaa lagaga hadlay abaaraha baahsan ee ka jira geeska afrika guud ahaan gaar ahaana Ogadenya waxaana si adag loo lafa guray sidii loogu gurman lahaa dadkaas abaaruhu ay ku dhufteen si dagdag ahna looga howlgali lahaa,waxana halkaas lagu dhisay gudi ka howlgasha musiibada abaarahan.

ONA-Copenhagen-Denmark

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay