Laba urur oo mucaarad ku ah xukuumadda EPRDF/TPLF ee dalka Itobiya ka talisa oo lagu kala magacaabo UDJ iyo AEUP ayaa wada olole balaadhan oy ku abaabulayaan banaanbaxyo la doonayo in dalka meela kala duwan laga abaabulo.

Waxaa shalay ka dhacay magaalada Baxar Dar banaanbax weyn oo looga soo horjeeday xukuumadda Wayaanaha iyo xisbiyada la shaqeeya. Banaanbaxan oo dadweynihii magaalada aanay ukala hadhin ayaa khalkhal weyn galiyay xukuumadda EPRDF.

Waxaa iyagana shir ku qabsaday magaalada Dirdhaba xisbiga la magac baxay Semayawi Party, halkaasoo ay kaga arinsanayaan talaabada ku xigta ay qaadi doonaan.

Xisbigan Bluuga ayaa dhow jeer oo hore ku qabtay banaanbaxyo balaadhan Adis Ababa iyagoo sheegay inay sii wadi doonaan banaabxayada looga soo horjeedo xukuumadda Wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay