Waxaa Shalay Magaalada Nairobi ee Caasimada wadanka Kenya lagu Qabtay Shir lagu Maamuusayay  Maalinta Afka Hooyo  kaasi oo meela badan oo Caalabka ah looga  Dabaaldagay.

Ururka lagu Magacaabo AGA oo  ah Urur  ay ku midoobeen Shanta Soomaaliyeed una taagan Ilaalinta Afka Soomaaliga ayaa Xaflad lagu  Soo Dhaweynnayo Maalinta Luuqada ku qabtay Xaflad ay ka Soo  Qeybgaleen Aqoonyahano matalayay Shanta Soomaaliyeed.

Shirkaasi waxaa kamid ahaa Dadkii lagu Marti qaaday Mudane Faarax macalin Dawaare, Maamulaha Jaamacada Jigjiga iyo Masuuliyiin Soomaaliyeed oo ka kala Socotay Dhamaan Gobadal Soomaalidu Dagto ooy Djabouti kamid tahay.

Mudane  Faarax macalin Dawaare ayaa mar uu ka hadalayay Shirkaasi waxaa uu ku Tilmaamay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay Jaajuus u wadayihiin Ethiopia iyo Kenya, waxaa kale uu mudane Dawaare uu ka Hadlay Arimo badalay Dabiirka ka Soo Qeybgalayaashii Shirkaasi  badalayna Guud ahaan Qaab u socodkii shirkaasi.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay