Shir si aad u weyn looga soo qeybgalay ayaa Dhalinyarada OYSU UK ku qabteen magaalada London. shirkan oo ka koobnaa laba qeybood. Qeybtii kowaad waxa uu ku aadana OYSU Open Day- oo ahaa qeyb loogu tala galay dhalinyarada Da’yarta ah in loogu soo bandhigo Taariikhda Ogadeniya  iyo shaqooyinka dhalinyaradu fuliyaan ee la xidhiidha halganka.

Qeybti 2aad ee Kulankan ayaa aha Baraarujin ku aadan Xasuuqa kasocda Ogadeniya iyo sida ku haboon ee looga hortagi doono. Waxaana laga waramay Xasuuqyadi ba’naa ee ka dhacay Ogadeniya sanadihii 1994tii iyo xasuuqyadii isdabajooga ahaa ee ka dhacay Ogadeniya. Shirkan oo marti sharafbadan kasoo qeyb gashay waxaa ka hadlay oo qudbad qiimi badan kasoo jeediyay halkaas:

Hoggaanka Arrimaha Dibada Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadeniya Mudane Cabdiraxmaan Mahdi oo lahadlay dhalinyarada, xogo badana ka bixiyay halganka shacbiga ogadeniya waxa aasaaska u ah iyo heerka uu marayo maanta.

Qeybti 1aad:

Ururka dhalinyarada OYSU waxa ay soo bandhigeen siminaaro ku aadan Barashada Taariikhda dhulka Ogaden iyo Wacyigalin ku aadan Dhalinyarada, iyo qorshayaalka u yaala OYSU London ee lagu kasbanayo dhalinyarada da’yarta ah. Shirkan oo ay kasoo qeybgaleen 194 xubnood oo isugu jira waalidiin iyo dhalinyaro da’yar ah ayaa waalidiinta iyo dhalinyaraduba ka qeyb qaateen doodo ku aadan sidii loo horumarin lahaa wacyiga dhalinyarada ee ku aadan halganka iyaga oo waalidiintuna qeyb weyn ka qaadan doonaan.

Aqoon isweydaarsi iyo Doodo ayaa lagu soo bandhigay shirkan:

Dooadaha xiisaha badnaa ee soo jiitay bulshadi kasoo qeyb gashay shirkan ayaa u dhacay si aad u hanaansan waxaana kamid ahaa.

Qof aan xoriyad heysan balse haysta hanti aduunyo iyo Qof xoriyad heysta balse aan heysan maal aduunyo midkee ayaa haboon.

Waxaa looqeybiyay laba kooxood. qeyb kamid ah waxay ku doodayaan in xoriyad loo baahneyn hadii qofku heysto nolol aduunyo sida guri uu daganyahay, shaqo uu ka shaqeysto, cafimaad iyo Iskuulo. Qeybta kalena waxay ku dooday qof aan xoriyad heysan nolol ma heysto. Gabadh kamid ah dadkii dooda xoriyada u doodaysa ayaa sheegtay in xaywaan oo kale uu yahay qofka aan heysan xoriyad waayo ayay tiri Ay-duba way heystaan guri ay ku nool yihiin iyo cunto ay cunaan, qofka aan xoriyada heysan waxa uu lamid yahay Ay iyo dugaag. Doodan oo aad u kululaatay waxaa lagu miisamayay faa idada ay leedahay xoriyada iyo xoriyad la’aantu waxaana guushu ay raacday kooxdii ku doodayay in xoriyad la’aan aan la noolaan karin.

Doodi labaad ayaa iyana ku aadaneyd ” Dadka madowga ahi (Afrikaanku) inaysan horumar gaadhi karin Cadaanka la’aanti. Iyo Madowgu uma baahna Cadaanka oo horumar ayay gaadhi karaan”

Doodan ayaa iyana si qurux badan u dhacday. Gabadh da’yar ah ayaa dooda lagu bilaabay oo sheegtay in ay suurto gal tahay iyada oo madow ah inay ka aqli badan tahay gabdho badan oo cadaan ah oo da’deeda oo kale ah. Xirfado badan iyo aqoon kasta oo ay ku wada doodaana ay kaga badinayso. Sidaas awgeed madowgu uma baahna ayay tiri dadka cadaanka ah inay horumar gaadhsiiyaan.

Muwaadin kale ayaa ku tilmaamay inaysan Muqaalka midabka jidhka Bani aadamka ee madow iyo cadaan inuusan aheyn waxa maanta horumarka gaadhsiiyay wadamada ree galbeedka, ama waxa hoos u dhigay dadka madow ee wadamada Afrikaanka . Balse ay tahay Awood ku aadan waqtiga. Waxa uu ka hadlay waqtigii “Golden Age” waqtigaas Islaamka ayaa aduunka horumarkiisa hayay. wadamada ree galbeedku waagaas  waxay ku jireen “Dark age” waqti madow oo dhibaato badan la kulmeen. waxaa suurto gal ah dhowaan in Awooda maaliyeed iyo mida militaryba inay u wareegto wadamada Madowga ah ee Africa ama dunida Saddexaad.Marka ma aaminsani in midabyadu (cadaan iyo midow) inuu sabab u yahay kala sareynta bani aadamka ama waxa horumarka keena.

Doodan ayaa lagu kala bixi waayay oo qolo kastaba soo bandhigtay cadeymo iyo taariikho dood’dooda ay ku adkeysanayaan, waqtiga awgiis waxaa la go’amiyay bar-bar dhac kadib markii ay hadhi waayeen qolyaha ku doodaya midabka cadi innuu ka sareeyo Afrikaanka. Waxayna tusaale u soo qaateen Dadka madowga ahi markay dagaalamaan waxay kaalmo siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba weydiistaan cadaanka. Tusaale ahaan Shacbiga Ogadeniya iyo Gumeystuhu labaduba waxay isku dacweeyaan wadamada ree galbeedka oo ah dad cadaan ah, marka taasi waxay ku tusinaysaa in cadaanku ka sareeyo madowga.

Doodahah ayaa ahaa mid lagu mada daalinayo dhalinyarada si ay isugu bartaan, is dhex galna usameeyaan, fikradahoodana isugu weydaarsadaan. si taas loo helo dood adag oo qofna laga dhigo nin wax lidi ah ku doodaya qofna wax wanaag ah ku doodaya balse qasab maysan aheyn in qofku uu aaminsanyahay doodaas lidiga ah.

One- to one Session

Ururka Dhalinyara OYSU ayaa u sameeyay da’yarta cusub ee shirkan kasoo qeybgalay kulan gooni ah oo lagula kulmay xubno cusub oo gaadhaya 25 xubnood kuwaas oo kusoo biiray OYSU London.

Waalidiinta ayaa sheegay in kulamada noocan oo kale ah loo joogteeyo si dhalinyaradu u bartaan wadankooda hooyo islamarkaasna ay uga qeyb qaataan shaqada wanaagsan ee jaaliyaduhu ay wadaan.

Qeybti labaad

Mudane Cabdiraxaam Mahdi, Hoggaanka arrimaha Dibada JWXO oo shirkan warbixino lagu diirsaday kasoo jeediyay ayaa lagu soo dhaweeyay sawaxan mashxarad iyo sacab iyaga oo dadku ku qeylinayaan Ogadeniya Ha Xorowdo, Ogadeniya Ha Xorowdo.

Gudomiyaha ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah. Kaalinta laga rabo dhalinyarada Somalida Ogadeniya isaga oo talooyin iyo waano intaba usoo jeediyay iyo sida ugu wanaagsan ee uga qeyb qaadan karaan halganka dheer ee lagu baadi goobayo xoriyada Somalida Ogadeniya. Gudomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo aad u soo jiitay qalbiga iyo dhagaha dadkii shirkan kasoo qeyb galay midaas oo dhiiranaan buuxda siisay shacbigi kasoo qeyb galay shirkan. Gudomiyaha ayaa ku dheeraday heerka halganka Ogadeniya marayo iyo tabaha cusub ee gumeysigu isku dayayo oo halgamaagu uu fashilay.

Kadib waxaa lasoo bandhigay taariikh kooban oo ka waramaysa qaabka foosha xun ee gumeysiga waxshiga ah ee Ethiopia sida uu u gumaado shacbiga Ogadeniya. Tabaha uu isticmaalo iyo noocyada ba’an ee ciqaabtu ugeysto shacbiga Ogadeniya. Waxaa si kormar guud ah looga waramay Xasuuqi 1994tii ka dhacay Ogadeniya iyo xasuuqyo badan oo gumeysigu ka geystay dhulka Ogadeniya.

Filim

Waxaa Kulankan lagusoo gabagabeeyay filim Documentary ah oo ilays tv soo saartay midkaas oo kawaramaya ama soo koobay Xasuuqa Ogadeneiya iyo caalamka aragtidiisa ku aadan. Barnaamijkan Documentaryga ah oo soconaya 20 daqiiqo ayaa isugu jiray dhibanayaal ka hadlaya xasuuqi loo geystay, Warbaahinta Caalamka ee kawarantay xasuuqa Ogadeniya, Haayadaha UN-ta waxa ay ka dhaheen xasuuqa iyo tacadiyada Ogadeniya, Warbixinaha haayadaha Xuquuql insaanka iyo Haayadaha dowliga ee Europe iyo Mareykanku waxa ay ka qabteen xasuuqaas ka socda Ogadeniya.

Shirarnoocan oo kale ay ayaa ka dhacay magaalada Birmingham iyo Magaalada Manchester shirararkaas oo ay soo aggaansimeen ururka Dhalinyarada iyo ardeyda Ogadeniya ee OYSU.

Wariyaha ONA

Xafiiska Wakaalada Warfaafinta ONA

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay