Maanta oo ay taariikhdu kubeegnayd 23/2/14 waxaa xerada Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab laga xusay Maalinta Xasuuqa Ogadenia. Shirka lagu xusayay Maalinta Xasuuqa Ogadenia oo aad u balaadhnayd ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka OYSU faraciisa ka howlgala Dhagaxlay.

Hoolka ay xafladu kadhacaysay oo ay soo buux dhaafiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada S.Ogaenya ee ku dhaqan Dhagxlay iyo guud ahaan xubnaha OYSU ayaa furmay abaare 2:00 duhurnimo xiliga Bariga Africa. Ugu horayn waxaa sidii caadada ahayd lagu furay aayadaha qur’aanka kariimka ah iyo wacdiini ah oo aad uqiima badan oo guud ahaan wax wayn kabadalay dad waynihii madasha shirka fadhiyay.

Intaas kadib waxaa laguda galay ajandihii shirka oo ku saabsanaa maalinta xasuuqa Ogadenia oo laacayimay bisha FEB ee lagu jiro oo sanad kasta ay xusaan dhamaan jaaliyaadka S.Ogadenia ee ku kala nool dacalada aduunka qaban qaabiyayaasha xaflada maanta ayaa dadwaynihii usoo diyaariyay dhacdooyinkii arxandarada ahaa ee ay ciidamada gumaysiga Itoobiya u gaysteen dadwaynaha S.Ogadenia waxaana goobta laga akhriyay xasuuq aad u ba’an oo ay ka mid ahayd xasuuqii baahsanaa ee Ogadenia ka dhacay bishii FEB. ee sanadkii 1994 xasuuqaas oo ka dhacay gobolo badan oo kamid ah wadanka Ogadenia.

Waxaa sidoo kale laxusay guulo badan oo u soo hoyday shacabka S.Ogadenia kadib markii ay u adkaysteen dhibaatooyinkii kaga imaanayay ciidamada bahalka ah ee Itoobiya. Mudadii ay xafladu socotay waxaa khudbado dhaadheer soo jeediyay mas’uuliyiin farabadan oo ay kamid ahaayeen hogaanka arimaha abaabulka OYSU heer caalami oo khudbad qiiro badan goobta kasoo jeediyay. Sidoo kale waxaa kalmad dadkii murugo badan kuriday goobta kasoo jeedisay xubin ka socotay uruka haweenka marwo faadumo, waxaa sidoo kale gabay qiiro badan oo xasuuqa ku saabsan goobta kasoo jeediyay abwaan Cabdulaahi oo kamid ah abwaaniinta faraca midnimo.

Iskusoo wada duub oo kulanka ayaa soo gaba gaboobay abaare 4:00 galabnimo wuxuuna kusoo dhamaaday guul iyo jawi dagan.
ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay