9saagal sano kadib Cabdi iley ayaa markii ugu horeysay afkiisa kasheegey in dadka shacabka ah  laga ganacsado lagana soo ganacsanayey muda dheer. Wuxuuna sigaar ah u sheegay in ay dadka ka ganacsadaan liyuu booliska, booliska caadiga ah, Xeer ilaalinta, maxakamadaha iyo maleshiyaadka kusugan degmooyinka kala duwan ee degaanka. Wuxuuna sheegey in aay dadkii degaanku boqolkiiba 20% xidhan yihiin. Hadaba inkasta oo uu Cabdi iley islahaa waxaad qirataa tiro aad u yar hadana bal inta uu qirtay aan xisaabino. Dadka degaanku marka laraaco tirokoobkii danbe waa 6ex million, taas oo kadhigan inay xidhan yihiin sida uu sheegey 120,000kun oo qof sida uu Cabdi iley qirtay. Wuxuuna arintan kasheegay shirkii shalay ee maamulada degmooyinka iyo kii uu maalmo kahor layeeshey odayaasha iyo shaqaalada degaanka ee heer kilil.

Hadaba waxaa isweeydinleh waa maxay sababta uu Cabdi iley hada u buun buuninayo ama u qiranayo in dadka laga ganacsado maadma oy dadkani yihiin kuwii u isagu u diray kuna shilimaadi jiray sida ay dadka u laayaan ama uga ganacsanayaan. Waxaa maalmahan laxidh xidhay xubno badan oo ahaa madax xafiiseedadii iyo Xeer ilaalintii degmooyinka iyo waliba xubno kale oo ah sirdoonkii liyuu booliska. Inkasta oon liyuu booliskii iyo masuuliyiintiisiba aan waxba ladhihin oo la shilimaaday badankoodii waayo kuwaasi weli way hubeysan yihiin.

Qorshaha dhabta ah ee Cabdi iley waa in uu danbigii liyuu booliska kuwan uu xidh-xidhay gurada ugaliyo, liyuu booliskuna halkii kasii wadaan dhibaatadii ay dadka ku hayeen, kuwa xidhana dadka lagu qanciyo maalma kooban.

Hadaba dadka qaar ayaa isweeydinaya sababata uu 9sagal sano kadib hada uu Cabdi iley u qiranayo iyo ujeedooyinka uu kaleeyahay intaba. Waxaase la hubaa inay tahay arin uu xaalad kaga gudbayo.

Googaa: yaayaqaana Fandhaalka ama Malqacada cusub ee general Abraham:

Baryahan danbe ilaa in mudo ah aad uma dhex socdo Zalam Wolde oo ah Jenenka walaakii xafiisyada oo Landrover-ka bartiisii ma horqotonto xafiis walba marka waxaa la’isweydiinayaa xagee haysa. Ilaa iyo intii tooshka lagu qabtay wuxuu sameeyay dad wakiilo ah oo uga dhameeya xafiisyada wixii hawl ah ee kaga xidhan kadibna wixiisa oo bisil ayaa account-iga loogu shubaa. Waxaana wakiil ugu ah xafiis walba oo hawlaha u fududeya waaxda qorsheynta  ama madaxa xisaabadka oo ah cida ay masuuliyiintu ugu sheegaan in ay socodsiiyaan hawlihiisa ileen waa amar libaax oo lama diidi karee.

Hadaba kasakaw arintaas waxaay tuubadu ugu jirtaa maamulka dawlada hoose ee Jigjiga gaar ahaan wadada laamida ah ee magaalada dhexmarta ee hormarta xafiiska dawlada hoose ee Jigjiga. Sida aad lawada socotaan bilwalba shaqo ayaa halkaas kasocota, shaqadaas oo ah in inta wixii hore laburburiyo ama labaabi’iyo in wax cusub oo kale lagu sameeyo. Sida biro ama qoryo laqotomiyo ama laydh yar oo lagu xidho ama kii hore oo labadalo oo kucusub lagu xidho. Wadadan kumo koobna oo kaliya in  uu xafiiska dawlada hoose lacag kaga qaato laakiin marka ay xafiiskasi awoodi kari wayaan waxaa bixiya kharashka xafiiska madaxweynaha oo yidhaahda soo codsada aan idinka caawinee saad wadada qurxisaan kadibna sidaas ayaa lagu siiyaa bilkaas joogtada ah general Abraham oo loo sii mariyo walaalkii Zalalam wolde. Wadadan ayaa waxaa sanad walba lagu bixiyaa oo lagu siiyaa ree Wolde lacag kabadan 10 million oo joogto ah. Sanadkii 2003 waxaa lagu bixiyey wadadan lacag kabadan 30 million oo lasiiyey general Abraham walaalkii in uu wadadaas galiyo biraha laydka oo dhaadheer, waxaana jirtay in  loo diiday nin Soomali ah oo yidhi waxaan kugalin lacag million iyo shan boqol oo kun ah oo kaliya.

Intaas kadib sanad walba waxaa si joogto ah loogu bixiyaa lacag ah toban million oo Birr. Waxaa kaloo jirta in sedexdii biloodba wadadaas laga badalo wixii hore ee laga dhisay sida biraha ama laydhka iyadoy ujeedadu tahay oo kaliya in ninkaas lacagtiisa loogu magac bixiyo.

Wadadan markii hore waxaa hareeraheeda lagaliyey qoryo bacarasaaf ah iyo silig bil ka dibna waxaa lagu badaley biro yar yar. Hada waxaa birihii lagaliyay Hidhaartii lagu badalayaa kuwo waaweeyn. Sidoo kale waxaa aad loo dheereynayaa baaxada ama dhererka biraha lagalinayo si lagac badan loo siiyo ninkaas.

Hadaba wadadan oo noqotay fandhaalkii iyo xeedhadii Abraham ayaa marba wax laga badalayaa iyadoo hadda ay tahay markii 14 iyo tobnaad ee biro ama qoryo laga badalo oo kuwii hore la fujiyo.

Isbitaalada Deegaanka

Inkastoy shaqada ugu weeyn ee hospitalada degaanku ay qabtaan ama lagu qiimeeyaa  ay tahay daryeelka iyo daaweynta dhawaca iyo qoysaska liyuu booliska hadana waxay ahaayeen qaab dhismeedka kaliya ee degaanka kajira ee uuna Cabdi iley sitoos ah hada kahor u faragalinin taas oy kaga badbaadi jiren sida aay u qanciyaan xubnaha liyuu booliska ee halkaas ku sugan iyo nidaamka qaab dhismeedkoda oo xafiiska caafimaadka degaanka hoos taga iyo waliba iyagoo ah meel uu dad xirfadlayaal ihi gacanta ku hayaan. Hadaba, waxaa hada magaaladan Jigjiga kusugan ilaa 4todobaad mudo kudhaw dhamaan Agaasimayaashii caafimaadka (medical directors) 7bada hospital marka laga reebo kan Jigjiga waxaa kale oy lasocdaan dhaamaan shaqaalihii joogay waaxyaha hospital-adaas  oo uu xitaa kujiro store keeperkii. Shaqaalahan ayaa waxay ku yimaadeen yeedhitaan uu Cabdi iley u yeedhay oon lahaayn wakhti cayiman iyo mudo toona.Isbitaaladan ayaan wax adeeg ah oo quman aan bixinin in mudo ah ilaa intii aay shaqaalahaasi kayimaadeen goobihii aay ka shaqeynayeen.

Waxaa kale oo jirtay in uu mudo hada laga joogo bil uu Cabdi iley Isbitalada ku qoray 2ba xubnood oo xafiiskiisa kasocota kuwaas oo lagu amray in uu hospital waliba siiyo xafiis iyo qalabkii aay ku shaqyn hayeen. Arintaas oo jahwareer kusoo kordhisay hospitalada degaanka iyadoo hospitaalada ay garan kari la’yihiin waxay qabanayaan 2-badan xubnood ee xafiiska madaxweynaha kasocda oo aad moodo inay ka awood sareyaan maamulka hospitalka, maadama oy leeyihiin waxaan nasoo shaqaaleyey xafiiska madaxweynaha oo anaga ayaa idin amarayna, inkastoo labadan xubnood aanay wadanin shaqo qeexid iyo waajibaadka ay qabanayaan waxa uu yahay. Hadaba arimahan faragalinta hospitalada ayaa waxaa loo maleynayaa inay tahay mid kamid ah qodobadan hoos kuqoran;

1.cusbitaladu waxaay hoos yimaadaan xafiiska caafimaadka sharci ahaan waana in wax laga weeydiiyo markasta oo loo baahdo arimo kusaabsan. Laakiin hada waxaad mooda in ayna waxba kala soconin. Waxaa la ogyahay Cabdi iley iyo madaxa xafiiska caafimadka mudane Cabdifatax Maxamud Xasan in ayna isku fiicneyn isla markaana in uu Cabdi iley waayey meel kale oo uu xafiiska caafimadka dhaliil ugu yeelo ama ku boogeyo, sidaa darteed waxaa la leeyahay waa mission uu rabo in lagu boogeyo Cabdifatax oo ah maxadweyne ku-xigeen ahna dadka tirada yaree aay isku xidhan yihiin dawlada federalka, oo Cabdi iley uuna sida dhibta yar u dilikarin.

2. Waa Cabdi iley oo doonaya in aay  hada kadib hoos yimaadaan cusbitalada degaanku oo uu isagu magacaabo medical director-ka uuna geeyo dad aan aqoon lahayn ama buuxiya shuruudaha Cabdi iley oo ah in uu yahay qofku nin xun oo warka ukeena fuliyana danaha gaar ka ah ee uu leeyahay. Cabdi iley ayaa wuxuu degmooyinka u dirsaday dad xafiiskiisa kasocda oo soo qora wax uu isagu u yeedhiyo
ee ladoonayo in dad lagu dhaleeceeyo si loo helo halqabsi ah waxaan ka dooleynaa warbixntii gudigu ay keeneen waxaana laga yaabaa in cusbitalada lagu qiimeyo warbixnta xubnahaas uu isagu dirsaday iyo kuwa uu ku qoray cusbitalada

3.  Guud ahaan wuxuu doonayaa ayaa laga yaabaa siduu u heli lahaa sabab uu ku faragaliyo hospitalada iyo xafiiska caafimaadka kililka  taas oo ah in marka hore laceebeyo xafiiska caafimadka iyadoo loo sii marayo cusbitalada.

mr Caynsane oo Cabdi iley badbaadiyay markuu istoogan gaadhay

mr Caynsane sheikh Maxamed waa komissionka asluubta degaanka inkasta oo  uu baryahan danbe magac uyaal iskayahay oo uuna shaqo qabanin waana dadkii uu Cabdi iley ku adeegan jiray laakiin intan danbe waxaad mooda in uu kala dhexgalay ninka layidhaahdo sheikh Mukhtaar Maxamed Suubane oo ah ninka Cabdi iley uqaabilsan shirqoolada iyo dilalka wadanka gudihiisa ah. Hadaba waxaa 5shan habeen kahor istoogan gaadhay mr Caynsane  kadib markay Cabdi iley hortiisa ku murmeen isuna gacan qaadeen isaga iyo Sheikh Mukhtaar. Gacan qaadkan ayaa kuyimid kadib markii uu Cabdi iley weeydiiyey mr Caynsane tiro maxaabiis ah oo ka badan 430 maxbuus oo 2labadii bilood ee u danbeysay gudahood siyaabo kala duwan u dhintay jeel ogaadeen taas oo mr Caynsane uu sheegey in uuna war ka haaynin, sababtoo ah mudo 3bilood kabadan meeshaas muuna maamulaynin oo sheikh Mukhtaar ayaa kala wareygey sidaas darteed wuxuu cadeeyay in uuna shaqo ku lahaayn waxa jeel ogaadeen kadhacay bilihii danbe oo dhan.

Waxaa ugu dambeeyay Dalab Maxamud Guuleed oo noqday maxbuuskii 89 oo sagaalad iyo toban cisho gudohood ku dhinta jeel ogaadeen. Maxbuuskan oo aad loo jidh dilay silic badan iyo darxumana aay kamuuqato ayaa shan 5cisho kahor lakeenay hospitaalka karamara. Maxbuuska ayaa lasheegayaa in inta baclagu dhex riday mudo lagu dhex daayeey kadibna markii uu nafbax kudhaw yahay lakeenay hospitalka. Ugu yaraan 15 tobankale ayaa hada taala hospitalka Karamara oo lasheegayaa inay naf  kadhaawr yihiin iyadoo kumanaan kale oo jeelka kujira xaaladooda laga dayrinayo hada. Cabdi iley ayaa kula talaliyey Mukhtaar Suubane in dadka halkaas ku jira laga dhigo wax gaajo u dhinta iyo wax cudur u dhinta.

Arintaasoo jirta oo la ogyahay ayuu Sheekh Mukhtaar dhiniciisa ku eedeeyey in uu isagu Caynsane masuul ka yahay. Murankaa kadib waa laysu gacan qaatay kadibna markii lakala qabtay ayuu mr Caynsane bastoolad iska jaray oo damcay in uu isku dhufto ka dibna Cabdi iley ayaa kaqabtay oo ka dalfiyey xabadii uu isugu talagaly in uu isku bakhtiiyo mr Caynsane.

Noora Afgaab / Jigjiga

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay